boramanews.com

Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Dalalka Pakistan Iyo Afghanistan Iyo Talilan Oo Digniin Dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo xero argagixiso” oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, iyadoo la tixraacayo sirdoon.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymaha ay diyaaradaha Pakistan ka fuliyeen Nangarhar iyo Pakistan.

Isla mar ahaantaana, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taliban ayaa ka digtay aargoosi ‘waqtiga ku habboon’.

Sida laga soo xigtay BBC Pashto, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareynayso weerarrada Pakistan ay dhawaan ku qaadday ‘goobaha rayidka’ ee gobollada Nangarhar iyo Paktika.

Sida laga soo xigtay BBC Pashto, afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Afgaanistaan ​​Inayatullah Khawarizmi, ayaa hadal uu soo saaray oo lagu sii daayay mareegaha xiriirka bulshada ee X, wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Pakistan inay yihiin “kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida qaranka Afgaanistaan” wuxuuna sheegay in Afgaanistaan ​​ay u aragto tallaabadan mid si cad u jabinaysa sharciga caalamiga ah, mabaadi’da deris wanaagga iyo qiyamka Islaamka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weerar ku dishay 29 ka tirsan A-shabab

Cabdi Casiis

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis

Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadaladii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Dalka Turkiga

Cabdi Casiis