boramanews.com

Madaxweyne Xasan oo codkiisa ka dhiibtay doorashada tooska ah ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Murwo Qamar Cali Cumar.

Ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa goobta kula kulmay boqolaal muwaadiniin ah oo codkooda dhiibanayey, iyaga oo muujinayey doorkooda muwaadinnimo iyo ka go’naanshahooda dhismaha dowladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Gobolka Banaadir in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, kana qeyb qaataan doorashada, si ay codkoodu uga noqdo aas-aaska hoggaamin hufan iyo horumar waara

Related posts

“Dhulabahnte Iyo Isaaq waa walaal Xasan Sheekh laascaano fidno ayu la imaan” Wasiir Caydiid

Cabdi Casiis

Shiinaha Oo In Ka Badan 10 Xubnood Oo Hal Qoys Ahaa Dil Ku Fuliyay

Cabdi Casiis

Dad iyagoo Ramadaanka cunto cunaya la arkay oo lasoo xiray

Cabdi Casiis