boramanews.com

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho

Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Xarumaha codbixinta oo gaaraya 523-goobood ayaa si rasmi ah u furmay 6;00am waqtiga maxaliga ah, waxaa lagu wadaa in ay soo xirmaan 6:00pm maqribnimo.

In ka badan Nus milyan ruux ayaa isu diiwaangaliyey doorashada, waxaana kaarka codbixinta qaatay 503,916 muwaadin, kuwaas oo saaka codkooda dhiibanaya.

Dhinaca kale ciidamada Boliska ayaa ku hawlan sugidda amniga ee goobaha loogu talagalay in ay ka codeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala yaala 16 degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir.

Waxaa xiran waddooyinka waaweyne ee caasimada iyadoo sidoo kale hakad la geliyay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa la xirey dhamaan wadooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho.

Waa doorashadii u horreysay ee toos ah Muqdisho ka dhacda in ka badan nus Qarni

Related posts

Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadaladii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Dalka Turkiga

Cabdi Casiis

“Ninka mar walba hogaaminayay ee dhulka inala dhacay waa Ismaaciil Cumar Geelle” Gudoomiye Saleebaan

Cabdi Casiis

Dalalka Muslimka ee laga soomay maanta iyo kuwa berri soomi doona

Cabdi Casiis