boramanews.com

Maraykanka oo muwaadiniintiisa Bayruut ugu baaqay in ay ka baxaan ama goob ammaan ah tagaan

Safaaradda Maraykanka ee Beirut ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda in ay meel ammaan ah tagaan,haddii aysan ka bixin Lubnaan.

War-saxaafadeed amni oo subaxnimadii maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Maraykanku ay si xooggan uga fiirsadaan ka bixitaanka dalka iyadoo la raacayo duullimaadyada diyaaradaha Bariga Dhexe ee ka baxa garoonka diyaaradaha ee Beirut Rafiiq Xariiri International Airport, haddii ay u arkaan inay tahay mid ammaan ah.

Beirut iyo qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay si joogto ah loo duqeeyay, iyadoo Israel ay sheegtay in ay bartilmaameedsanayso kooxda ay Iiraan taageerto ka hela Hezbollah.

Related posts

Magaalada Borama Oo Maanta Laga Oogay Salaada Roob Doonta

Cabdi Casiis

Wasaarada Gaashandhiga Somaliland Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Hanjabaadii Somaliya

Cabdi Casiis

Waddankii ugu horeeyay ee Afrika ee helay daroonka casriga ah ee Ruushka

Cabdi Casiis