boramanews.com

Shirka Dowladda Iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacaya Villa Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacaya Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyaga oo kawada hadlaya xaaladda Dalka, qorshaha Geeddi socodka Dalka & sidii kulamada u dhaxeeya ay usii socon lahaayeen.

Kulan is arag ah oo shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa ugu danbayn lagu go’aamiyay in madasha lagu wadahadlayo ay noqoto Villa Somalia oo xubno katirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay horay u diidanayeen balse markii dambe ay aqbaleen.

Shirkaan ayaa indhaha lagu hayaa, waxaa horay usoo dhaweysay qabsoomiddiisa Beesha Caalamka, Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku kala garnaqsanaya wadahadalkaan si dhinac weliba uu miiska usoo dhigo qodobada uu wato.

Saacadihii u danbeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo gaargaar ah oo ay yeesheen dhinacyadaan iyaga oo ka arrinsaday qodobada muhiimka ah ay la shirtagayaan iyo jawaabaha ka imaan kara dhinaca kasoo horjeeda.

Marka la eego siyaasad ahaan sida uu wadahadalku u billowday waa jawi deggen oo labada dhinac qaab daahfuran u wada hadlayaan, inkasta oo marka la gudagalo qodobada miisaanka culus leh ay wax weliba isbaddeli karaan.

Related posts

Maraykanka Oo Heegan Buuxa Galiyay Maraakiibta Diyaaradaha Qaada Ee Ku Sugan Biyo Carabta

Cabdi Casiis

Awooda shacabka Somaliland iyo Sixida Khaladaadka dhaca.

Cabdi Casiis

“ Hayaanka geedigu wuu soconayaa,dacawada inagu Ciyaaysana dib u eegi mayno” Gudoomiye Maxamuud

Cabdi Casiis