boramanews.com

Maxaad kala socotaa Qodista Shidaalka Soomaaliya Iyo Sahminta goobaha cusub?

Dowladda Turkiga ayaa xoogga saartay sidii ay usoo saari lahayd Shidaalka Soomaaliya iyada oo soo dirtay Maraakiibta Dalkaas oo horay ugu guulaystay soosaarka Shidaalka iyo macdanta dalkaas sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara.

Bisha maanta billowga ah ee April ayaa la dardargelinayaa howsha isugu jirta sahminta cusub iyo qodista goobihii horay loo baaray ee la xaqiijiyay shidaalka ku jira sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Wadarta Maraakiibta isugu jirta kuwa sahminta cusub samaynaya iyo kuwa soosaaraya shidaalka ee Turkiga uu leeyahay waa 6 Markab, waxaa la socda kuwa Militari oo ilaalinaya nabadgalyadooda, Diyaarado iyo Askar tababarkoodu sarreeyo.

Maraakiibta ayaa loo kala cayimay goobaha ay qodista iyo sahminta ka samaynayaan si shaqadu ay u noqoto mid hal waqti wadaqaadato, Markabka Fatih ayaa ka howlgallaya Ceelka Eflani-1 ee Badda Madow, halka kan cusub ee Çağrı Bey uu qodayo ceelka Curad-1 ee Xeebaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa Maraakiibta cusub uu kusoo kordhiyay Soomaaliya waxaa kamid ah Yıldırım iyo Çağrı Bey si loo dadejiyo shaqada Qodista Shidaalka Dalka, waxa uu qodi karaa Mool dhirirkiisu yahay 12,000 Mitir halka cabirkiisu yahay 228 Mitir.

Ankara ayaa indhaha Caalamka usoo jeedisay Soomaaliya sanadihii u dambeeyay kaddib markii ay ku dhiirratay sahminta shidaalka iyo Gaaska kale ee laga heli karo Xeebaha Dalka, saddex kamid ah ceelashii la baaray waxaa laga helay rajo fiican oo dardargelin karta shaqadaan la qabanayo.

Related posts

” Iyada Oo Ay ilaalinayaan Afrikaan badankoodu aanu diin lahayn, ayay Somaliland “

Cabdi Casiis

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Cabdi Casiis

Awooda shacabka Somaliland iyo Sixida Khaladaadka dhaca.

Cabdi Casiis