Keir Starmer, raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in UK “ay sameyn doonto wax kasta oo aan awoodno si aan u taageerno una sii wadno xabad joojintan”.
“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska xabad joojinta ee la gaaray xalay, kaas oo nafis u ah ah gobolka iyo adduunka,” ayuu yiri.
“Annagoo kaashanayna xulafadeena, waa inaan sameynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u taageerno una sii wadno xabbad-joojintan, una beddelno heshiis waara oo aan dib u furno Marinka Hormuz.” Ayuu intaa raaciyay.
Warka ka soo baxay Downing Street ayaa sidan u qornaa:
- Raysal wasaaraha ayaa maanta u safri doona wadamada Khaliijka si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha dalalka safka hore ku jiray, wuxuuna soo bandhigi doonaa taageeradiisa buuxda ee xabbad joojinta cusub ee la isku raacay.
- Kulamada uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha gobolka, wuxuu ku xoojin doonaa taageerada aan kala go ‘lahayn ee UK iyo baahida loo qabo qaraar diblomaasiyadeed oo muddo dheer ah si loo hubiyo in xabad joojintu ay horseeddo heshiis waara.
- Wuxuu la yeelan doonaa wadahadallo ku saabsan hubinta dib u furista marin biyoodka Hormuz ay sii ahaato mid joogto ah, iyadoo UK ay sii wadi doonto hoggaaminta dadaallada caalamiga jah.
