Ninka lagu tuhunsan yahay weerarka toogashada ayaa lagu sheegay inuu yahay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah kana soo jeeda Torrance, California, sida ay sheegtay CBS oo ah la-hawlgalaha wararka Waqooyiga Ameerika ee BBC.
Donald Trump ayaa sheegay in FBI-da iyo Sirdoonka ay fulinayaan amarro baaritaan oo ka socda cinwaan ku yaalla California.
Taliyaha ku-meelgaarka ah ee booliiska Washington DC, Jeffery W Carroll, ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ahaa marti deggan hoteelka lagu qabanayay munaasabadda, isla markaana uusan jirin sabab loo aaminsan yahay in qof kale uu halis ku jiro.
Inkasta oo hay’adaha ammaanku xaqiijiyeen in rasaas la riday, haddana lama oga tirada saxda ah. Booliiska ayaa sheegay in ay rasaas isweydaarsadeen eedeysanaha iyo saraakiisha ammaanka.
Carroll ayaa sheegay in eedeysanaha uu “ku hubeysnaa qori, bastoolad, iyo mindiyo badan”.
Jeanine Pirro, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Washington, ayaa sheegtay in eedeysanaha wajahayo laba dacwadood oo la xiriira adeegsiga hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah, iyo weerar lagu qaaday saraakiil federaal ah iyadoo la adeegsanayo hub halis ah.
Waxay intaas ku dartay in si rasmi ah dacwad loogu soo oogi doono Isniinta.
Sababta ka dambeysa weerarka wali ma cadda, balse Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu bixiyo war cusub Axadda maanta ah.
