Borama News Network

Bakhtiga Ninkii Ka Cadhaysiiyay Dunida Islaamka ee Gubay Kitaabka Qur’aanka Oo La Helay Isago Meel Cidlo Ah Ku Go’ay

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

 

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta wadajirka & madaxbannaanideeda

Abdiaziz Bnnstaff

Fahad Yaasiin Oo Madaxweyne Geelle Ku Tilmaamay In Uu Yahay Cadawga Soomaaliya !

Abdiaziz Bnnstaff

” Hadaanu Nahay Goboladda Galbeedka Kumaynaan Heshiin In Itoobiya Nagala Iibiyo..” Xildhibaan Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff