Borama News Network

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Laacibka kubadda cagta ee ee waddanka Fransiiska, Karim Benzema, ayaa gudbiyay dacwad sumcad dil ah oo ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Fransiiska, kaas oo uu sheegay inuu ku eedeeyay inuu xirriir la leeyahay ururka Muslim Brotherhood, sida ay ku soo warramayaan warbaahinta gudaha dalkaasi.

Wasiirka, Gerald Darmanin, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay sheegay in Mr Benzema “uu xirriir la leeyahay” kooxdaasi.

Hadalkaasi waxaa uu ‘wax u dhimayaa’ sumcadda ciyaaryahanka ayuu yiri qareenka Benzema.

Ururka Muslim Brotherhood ayaa ah urur laga mamnuucay dhowr dal oo ay kamid yihiin Masar, Ruushka, iyo Sacuudiga.

Hadalka wasiir Darmanin ee bishii Oktoobar ayaa yimid, kadib markii ciyaaryahankaasi uu bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo dadka reer Qasa oo uu sheegay in ay dhibanayaal yihiin oo ‘aan loo tureyn carruur iyo haweenba’.

Darmanin waxaa uu sheegay in weeraryahanka Fransiiska lagu ‘yaqaanno xirriirkiisa ururka Muslim Brotherhood’.

Karim Benzema, oo 36 sano jir ah, oo u dheela kooxda Al-Ittihad oo ka dhisan dalka Sacuudiga ayaa ah Muslim ayaa codsaay in si deg deg ah tallaabo sharci looga qaado wasiirka.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Hargaysa Oo Soo Dhaweeyay Diyaaradii Itoobiya Ee Ay Somaliya Dib U Cilisay

Abdiaziz Bnnstaff

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee horumarka caalamiga ah ka samaysay caafimaadka wadnaha?

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo War Ka Soo Saaray Xildhibaan Hore Axmed Aadan Oo Muqdisho Lagu Dilay

Abdiaziz Bnnstaff