Borama News Network

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee horumarka caalamiga ah ka samaysay caafimaadka wadnaha?

Wadnaha uu dhiiggu soo dhaafo ee af Ingiriiska lagu yiraahdo Aortic Insufficiency waa xaalad daboolka u dhaxeeya qaybta bidix ee wadnaha iyo halbowlaha weyn uusan gabi ahaanba is xirayn.

Marka uu dhiiggu soo dhaafo daboolkii celin lahaa, dhiiggaas qaarkiis wuxuu dib ugu laabtaa wadnaha, taa micnaheeduna waa in wadnuhu uu aad u shaqeeyo.

Xaaladda ugu xun ee uu sababi karo waa in wadnuhu uu gabi ahaanba shaqayn waayo, waana middaas tan muhiimka ka dhigaysa in xaaladdan la daweeyo.

Inta badan xaaladdan dhakhaatiirtu waxay ku daweeyaan ayagoo hagaajiya ama ku beddela daboolkaas mid macmal ah. Labadaba khatartooda ayey wataan.
Injineerro ka tirsan jaamacadda Aarhus ee dalka Denmark ayaa muddo dhowr sano ah ka shaqaynayey sidii ay u soo saari lahaayeen hanaan arrintaas wax ka taraya.

“Daboolka wadnaha oo macmal ah ayaa ah qaab waxtar leh oo lagu daweeyo, laakinse waa qalliin waxoogaa cakiran, waxaana la socda khataro wakhtiga dheer ah. Hadda waxaan helnay xal mid sahlan ka dhigaya in in bukaanka la daweeyo” ayey tiri Maryan Cabdi Nuur oo ah ardayad samaynaysa shahaadada PhD ee kulliyadda handasada ee jaamacadda Aarhus iyo qaybta qallinka wadnaha ee isbitaalka jaamacadaas.
Seddexdii sano ee la soo dhaafay Mayran waxay naqshadaynaysay oo horumarinaysay kaatun (ring) qofka daboolka wadnihiisu dhiigga sii deynayo siinaysa daweyn wanaagsan, waxayna ikhtiraacday arrin saamayn weyn ku yeelanaysa qalliinnada adduunka.

“Halkii la beddeli lahaa daboolka xumaaday, fikradda aan soo bandhigay waa in dhinacyada laga xiro halbowlaha weyn si looga hortago in dhiiggu uu wadnaha ku laabto. Waxaan horumariyey nooc cusub oo kaatun ah oo lagu xirayo hareeraha gunta halbowlaha si taas looga hortago” ayey tiri Maryan.

Xaqiiqdii, muddo dhowr sano ah, dhakhaatiirta wadnaha waxay isticmaalayeen nooc kaatun ah oo lagu xasilinayo shaqada daboolka wadnaha, laakinse taasi marnaba ma ahayn mid faa’iido darro ka maran.

Kaatunkii hore loo isticmaali jiray wuxuu ahaa mid ahaa u adag, waxayna taasi xadidaysay shaqadiisa. Intaa waxaa dheer in gelinta kaatunkaas jirka gudihiisa ay adkayd, waayo dhakhaatiirtu waa inay jexaan arooraha oo ay soo saaraan xididdada halbowlaha ku xiran.

Kaatunka cusub ee ay Maryan Nuur samaysay wuxuu ka samaysay yahay walxo kala jiidma, kuwaasoo si sahlan jirka u galaya. Wuxuu kaloo leeyahay meel uu ka furmo, taasoo u fududaynaysa in halkii loogu tala galay uu si fiican ugu fariisto.
“Hanaanka qalliinka waa mid khatartiisu yar tahay, haddii la kaashado sawirrada gudaha laga qaado iyo hanaanka 3D printing-na, si fiican ayaan u sixi karnaa adkaanshaha kaatunka iyo awoodda jirka qofka. Taasi waxay na siinaysaa fursado fiican, tiknoloojiyaddana waxay ahayd mid yididiillo fiican leh markii aan xayawaanaka ku tijaabinaysay” ayey tiri Maryan CAbdi Nuur.

Maryan waxay aad diiradda u saartay waxyaabaha ay isticmaalayso iyo naqshadda kaatunka, si shaqada wadnuhu u fiicnaato.

“Waxaan eegaa qalliinnada anigoo ka eegaya dhanka uu qofka injineerka ah ka eego, sababtoo ah waxaa jira hawlo badano o wadnaheenna ku saabsan oo la xiriira fiisikiska iyo xisaabta. Arrinta aan adeegsanayo ayaa ah in aan fahmo sida arrooruhu u shaqeeyo, ka dibna aan ku dabaqo sidii aan u naqshadayn lahaa kaatun bukaannada u saamaxaya in jirkoodu uu caadi u shaqeeyo” ayey tiri.

Cilmi baarayaashu waxay sameeyeen daraasad aad qaali u ah oo ay ku eegayeen sida uu kaatunkaas ugu dhex balaaranayo jirka gudihiisa marka uu wadnuhu dhiigga bam garaynayo, taasna aad ayey ula yaabtay Maryan Cabdi Nuur.

Waxay sheegtay in dhowr sano ay qaadanayso ka hor inta aysan dadka bukaanka ah ka faa’iidaysan.

Related posts

Ergadii Gobolka Awdal Ku Metelaysay Tartanka Hogaanka Solja Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Tartankii Hagaanka Iyo Siday Wax U Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff

Suldaanka Guud Ee Beelaha Makaahiil Oo Maanta Laga Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo War Ka Soo Saaray Buugaagta Baryahan Lagu Soo Bandhigo Magaalada Hargeyda Iyo Masuuliyiin Ku Soo Biiray Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff