Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo Duqayn & Dagaal toos ah ku dilay ku dhowaad 10 kun oo Carruur tan & 7dii Oktoobar 2023.

Warbixinno lagu soo bandhigay diiwaanka Carruurta ku dhimatay dagaalka Ciidanka Israaiil ay ku qaadday Magaalada Gaza & duqaynta Xooggan ay ku beegsatay Goobaha Rayidka ah ayaa muujinaya xaddiga Carruurtaas naftooda ku waysay duullaanka Ciidamada Yuhuudda.

Dadka ku dhintay dagaallada iyo duqeynta oo ah ugu yaraan 22,600 oo ruux waxaa laga dhex helay tirada Carruurta ah dhimatay kuwaas oo gaaraya 8,663 carruur ah halka la waayay 7,000 oo kale oo loo badinayo jirkoodu uu go’ay & kuwo dhismaha dumay ka hoos maray.

Warbixin lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera uuna kasoo xigtay ilo kala duwan oo ay kamid tahay Bisha Cas Falastiin ayaa lagu xaqiijiyeen khasaarahaan oo suuragal ah in uu ka badan karo tirada diiwaanka gashay.

Carruurtaan qaar waxaa lagu beegsaday Isbitaallo, Xeryaha la dejiyay Dadka kasoo cararay dagaallada socda, Iskuullada Waxbarashada & goobaha kale ee duullaanka Israaiil kahor ahaa lama-taabtaanka balse aanay Yuhuudda lagu ciqaabin beegsigeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horay u sheegay in dhacdooyinka ay ku lug leeyihiin ciidanka Israaiil ee Magaalada Gaza ka socda aanay indhaha u wanaagsaneen loona baahan yahay in wax laga qabto.

Inkasta oo Israaiil ay hadalkaas ku colaadisay Guterres balse waxa uu muujiyay sida uu u arko in looga hortagi karo dagaal saddexaad oo dunida gasha kaas oo salkiisu noqon kara duulaanka gardarrada ah ee Yuhuuddu ku qaadday Falastiin.

Related posts

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In Si Wada Jir Ah Loo Difaaco Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Taliska Booliska Dowlada Somaliya Oo Amray In Baadhis Lagu Sameeyo Weerarkii Ciyaartoyda Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xuuxo Hubaysan Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Jaraan Internet Ka Somaliya Iyo Walaac Xooggan Laga Muujiyay Arinkaasi

Abdiaziz Bnnstaff