boramanews.com

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo ay leedahay Pakistan

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab shidaal meel u dhow Gacanka Cadan, iyagoo afduubtay shaqaalihii saarnaa.

Waxaa walaac laga muujiyay badqabka muwaadiniinta reer Pakistan ee saarnaa markabkaas.

Xogtan waxaa qoraya dhowr wargeys oo ka soo baxa gudaha Pakistaan.

Wargeyska Daily Pakistan ayaa qoraya in Markabka ay saarnaayeen 11 qof oo shaqaale ah oo u dhashay Pakistaan, kuwaas oo weli gacanta ugu jira burcadka, sida uu wargeysku qoray.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, markabka oo lagu magacaabo Owner 25 ayaa la weeraray oo ay qabsadeen burcad badeeddu.

Related posts

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi’isay waarankii soo qabashada ee madaxwaynaha Jubaland

Cabdi Casiis

Iran oo shaacisay meelaha ay bartilmaameedsan doonto haddii Mareykanku soo weeraro

Cabdi Casiis

UK oo diyaarinaysa Markab dagaal oo loo diri karo Badda Mediterranean-ka

Cabdi Casiis