Magaalada Cadan waxay xarun u tahay dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Yemen.
Ciidamada taageersan dowladda Yemen ayaa shalay oo Axad aheyd bilaabay in ay ka baxaan xeebta Badda Cas halkaas oo ay kula dagaallamayeen Xuutiyiinta si ay ula wareegaan gacan ku haynta marinka muhiimka ah ee Baab Al-Mandab.
Ciidamada dowladda Yemen waxay sheegeen in ay xoojinayaan fariisimahooda si ay u difaacan Cadan.Waxay kaloo sheegeen in muhiimadda koowaad ay tahay sugidda ammaanka magaalada Cadan iyo gobollada deriska la ah, isla markaana ay ciidamadooda kala baxayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhubab.
Afar ilo-wareed oo ka tirsan militariga dowladda iyo labo kale oo dowladda ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Xuutiyiintu ay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Lahj isla markaana ay fariisimo ka sameysteen xero lagu magacaabo Al-Kharaz taas oo qiyaastii 60 kiilomitir u jirta magaalada Cadan.
Afhayeen u hadlay hay’adda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa ka booriyay dhinacyada dagaallamaya in ay ixtiraamaan qeynuunka caalamiga ee xuquuqda aadanaha, wuxuuna ugu baaqay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.
