boramanews.com

Diyaaradda Militariga Mareykanka Ay Leeyihiin Oo Dul Haadeysa Xeebaha Iran

Drone ka tirsan Marines-ka Mareykanka ayaa tan iyo saqda dhexe ee xalay dul-heehabeysa dalalka agagaarka xeebta Iiraan, sida ay muujinayaan xogta raadka diyaaradaha ee FlightRadar24.

MQ-4C Triton – oo ah drone aan la wadin oo lagu sameeyo hawlgallo kormeereed – ayaa ka baxay saldhig ku yaalla Abu Dhabi habeenkii xalay, waxaana uu saacado badan ka duulaysay gacanka hurmuz.

Drones-ka Triton ayaa si maalinle ah uga howlgelaysay gacankaasi tan iyo Isniintii. Sidoo kale, diyaaradaha kormeereedka US Navy P-8 Poseidon ayaa dhowaanahan lagu arkayay goobaha khadadka diyaaradaha ee u dhow, iyagoo howlgallo ka fulinaya aagga.

Related posts

“Ninka mar walba hogaaminayay ee dhulka inala dhacay waa Ismaaciil Cumar Geelle” Gudoomiye Saleebaan

Cabdi Casiis

In Ka Badan 100 Saraakiil Dowladeed Oo Lagu Dilay Dibedbaxyadii Iiraan

Cabdi Casiis

“Waxa na dhaama fardaha gaboobay ee Ingiriisku dilo” Abwaan Axmed Saleebaan Bide

Cabdi Casiis