boramanews.com

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Rai’sul Wasaarihii Hore Ee Pakistan Imran Khan Oo Xabsiga Ku Jira?

Dowladda Pakistan ayaa ka hadashay warar la isla dhexmarayay maalmahan iyada oo xaqiijisay in ra’iisul wasaarihii hore ee xiran, Imran Khan, loo qaaday isbitaal usbuucii dhammaaday si uu u maro qalliinka indhaha oo 20 daqiiqo socday.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Khan uu si qoraal ah u ogolaaday daaweynta, isla markaana dib loogu celiyay xabsiga Rawalpindi isagoo caafimaad qaba.

Hase yeeshee, walaalaha iyo qareennada Imran Khan ayaa sheegay in aan wax war ah laga siin, waxayna su’aal ka keeneen warka ay dowladda sheegtay.

Imran Khan waxaa lagu helay dembi la xiriira musuqmaasuq iyo xadgudub sir dowladeed sannadkii 2023, isaga oo isna beeniyay wax khalad ah.

Related posts

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis

Laga Soo Bilaabo Xulafo Ilaa Loollan: Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Ku Kala Tagay Dalka Yaman.

Cabdi Casiis

Waddankii ugu horeeyay ee Afrika ee helay daroonka casriga ah ee Ruushka

Cabdi Casiis