boramanews.com

Doon sidday muhaajiriin oo ku qallibmatay Turkiga

Hal qof ayaa dhintay shalay toddobo kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay badda Aegean ee xeebaha Turkiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalkaas.

Soddon iyo toddobo qof oo rakaab ah oo saarnaa doon caag ah oo mareysay biyaha magaalada galbeedka Turkiga ku taal ee Dikili, ee waqooyiga Izmir, ayaa la badbaadiyay iyagoo nool, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Dikili, oo ah meel yar oo loo dalxiis tago, ayaa u dhow jasiiradda Giriiga ee Lesbos, oo u jirta ilaa 20 kiiloomitir (12 mayl).

“Howlgallada baadigoobka ah…waxa ay sii wadaan raadinta toddobada qof ee la la’yahay ee muhaajiriinta ah,” ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha.

Doomaha qlalibma ayaa ku badan marinnada halista ah ee loo maro jasiiradaha Giriiga, kuwaas oo ah marin laga galo Yurub.

Ku dhawaad ​​1,900 oo muhaajiriin ah ayaa la waayay ama laga helay badda Mediterranean-ka sanadkii 2025-kii, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah.

Related posts

Iran oo ku hanjabtay in ay dunida “dab qabadsiineyso” haddii la weeraro hoggaankeeda

Cabdi Casiis

“ Darawalka Iska qaada qof aanu garanayn dhibaatada ka timaada isaga qaadanayaa” Amar la soo saaray

Cabdi Casiis

Duuliye diyaaradda dagaalka ee Mareykanka oo la xiray kadib xiriir qarsoon oo uu la sameeyay Shiinaha

Cabdi Casiis