boramanews.com

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weerar ku dishay 29 ka tirsan A-shabab

Warrarka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah xalay iyo saakay lagu qaaday goobo ay ka fadhiyeen ururka al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Jabad Godane oo qiyaastii dhawr iyo sodon kiilomitir waqooyi bari uga beegan degmada Warsheekh.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ku dhawaad sodon dagaallame oo ka tirsan Al-shabab.

“Howlgalladan ayaa lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka”.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay saaxiibada sida joogtada uga taageera dhanka ammaanka, xog-wadaagga, iyo awood-siinta howlgalada ay ciidankooda qaadaan.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah kooxaha ka horjeeda.

Related posts

Xubno Ka Tirsan Xisbiga Kaah Oo Shaaciyay Is Casilaadooda Dhaliilo Miisan Culusna U Jeediyay Maxamuud Xaashi

Cabdi Casiis

Maxaa Dhacaya Haddii Somaliland ku biirto Barnaamijka Abraham Accords?

Cabdi Casiis

Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

Cabdi Casiis