Borama News Network

Labada Kiis ee Murugada badan ee ka dhacay Muqdisho & Go’aanka laga sugayo Garsoorka

Laba kiis oo murugo badan oo labaduba dhowaan ka dhacay Xamar, qabsadayna baraha bulshada, ayaa dareenkeyga taabtay, in badan aan ka fekeray, iguna dhaliyay in aan qoro sadarradaan.

Waa kiiska Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabiraxmaan Dahable iyo kiiska Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Labada kiis mid baaritaan ayaa socda oo booliiska iyo xeer ilaalinta ma soo dhaafin, midna dhegeysiga dacwaddiisa ayaa Maxkamadda ka socota oo gebogebo mareysa.

Qormadaan kooban, labada kiis midba gooni ayaan si kooban ugu eegi donaa.

Kiiska Cabdinaasir aan ku horreeyo. Iyada oo jir dil ay ka mid tahay ceego ay ka muuqato oo ay qoorta uga maran tahay fiilo lagu merjiyay ayaa meydkiisa laga helay guriga uu degganaa. Waxay u muuqataa in lagu dilay isla barta meydkiisa laga helay.

Dabcan qof ama ka badan inta dishay raadka farahooda iyo kabahooda waa laga helayaa meydka, qalabka la adeegsaday iyo qolka meydka laga helay iyo agabka yaalla. Xataa DNA ayay suurta gal tahay in laga helo qolka maaddaama la tilmaamay in gacan la isula tegey oo xataa daahyadii ay soo go’een.

Kamerada guriga iyo kuwa goobaha u dhow waa la helayaa. Kolleey shaqaalaha guriga iyo inta deggani ma wada ahaan karaan war la’aan. Telefoonkii marxuumka iyo dadkii ay wada shaqeyn jireen qudhooda waa laga yaabaa in ay wax iftiimiyaan.

Waxaa habboon iyada oo caddaaladda la sugayo in baaritaankaas aan waxba loola harin, lala daahin, lala kaashado khabiir iyo hey’ad kasta oo gacan ka geysan karta in runta laga gun gaaro, oo la soo qabto qofkii ama ka badan ee dilka geystay.

Hadi aan xubno qoyska Cabdinaasir ah laga qeyb gelin karin baaritaanka, waxaa ila habboon ugu yaraan in hadba meesha ay wax marayaan lagu wargeliyo Aabbihiis, haddii aanay taasi wax u dhimi karin baaritaanka,

Waxaan kiIskan uga baxayaa in aan qoyska, Cabdinaasir uga tacsiyadeeyo geeridan xanuunka badan, uguna duceeyo in Allah uu Sabir ka siiyo, isagana oo uu naxriista Jannada uu ka waraabiyo.

Si gaar ah ayaan ugu tacsiyeynayaa aabbihiis oo aan saxaafadda ka daawaday, una bogay Iimaankiisa iyo Geesinnimadiisa.

Kiiska labaad, wuxuu ku saabsan yahay Geerida Allah ha u naxariistee Luul Cabdicasiis, oo ah hooyo lix carruur ah dhashay, uurna lahayd.

Waxay ku dhaawacantay dab ninkeedu, Sayid Cali Macallin Daa’uud, uu ku eedeysan yahay in uu ula kac ugu gubay. Isaguna uu qiran yahay in uu dab qabadsiiyay qol ka mid ah guriga ay deggenaayeen, asaga oo waliba shidaal u adeegsaday, laakiin uu ku doodayo in aanuu ku talo gelin in uu iyada ku gubo.

Kiiskaas marka hore waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska Luul iyo carruurta ay ka tagtay, oo runtii aan dhibsaday in Maxkamadda la hor keenay. Sabir Allah ha ka siiyo.

Allah ha u naxariisto Luul, Ilaaheyna Jannada ha ugu bishaareeyo.

Kiiskan oo dhegeysiga dacwaddiisa ee Maxkamadda aan in badan ka daawaday YouTube, wax badan ayaa laga baran karaa haddii la faaqido. Laakiin maaddaama uu yahay kiis Maxkamad hor yaalla, walina aanay Maxkamaddu go’aan gaarin, halkaa uma dhaafayo.

Waxaa keliya oo aan ehelka Luul iyo qoyska Eedeysane Sayid Cali iyo taageerayaashooda bulshada aan xusuusinayaa in ay deggenaan ku sugaan go’aanka Maxkamadda.

Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka Maxkamadda-na ay xaq u leeyihiin in ay racfaan ka qaataan.

Sidaas darteed, in ay ka sii fekeraan haddii sida ay ayaga la tahay iyo sida ay jecel yihiin ay Maxkamadda ka waayaan, sido ay sido Sharci ah ay mar kale fursad ugu heli lahaayeen in ay gardhigtaan.

Waxaan qoyska dhibbane Luul iyo Qoyska Eeedeysane Sayid Cali kula talinayaa in in aan dadka taageerayaasha ahi wareerin ee si deggan, oo Allah ka cabsi leh, ay go’aan u qaataan.

Xeer Ilaalinta, Qareennada, Garsoorayaasha iyo Guddoomiyaha Maxkamaddana waxaan ku bogaadinayaa sida miisaanka leh ee deggan ee ay u dhiraandhiriyeen kiiskan muragada badan, xasaasiga ah, saxaafadda bulshaduna ay uga sii dartay.

 

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Baarlamanka Soomaliya Horgeeyay Qorshe lagaga hortagayo Guurka Dad Badan Ku Sirmeen

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Aqal Koodi Jooga Ayaa Leh Dagaalka Gala” Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Si Adag Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Beenisay In La Weeraray Markab u Rarnaa Dekeda Magaalada Berbera.

Abdiaziz Bnnstaff