boramanews.com

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Oo u Digay Dhigiisa Dalka Mareykanka

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa wada hadallo telefoon oo gaar gaar ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka iyo Mareykanka.

Wada hadalladii uu la yeeshay Madaxweyne Trump, Xi Jinping wuxuu uga digay Mareykanka inuu si taxaddar leh u maareeyo hubka laga iibinayo Taiwan.

Laakiin waxa uu sidoo kale soo jeediyay in uu kordhiyo dhoofinta digirta Mareykanka, ka hor booqasho la qorsheeyay oo uu Trump ku tago Beijing.

Dhanka kale, wada hadalladii dhex maray Xi Jinping iyo Vladimir Putin, Kremlin-ka waxa uu sheegay in aragtidooda ku aaddan Maraykanku ay isku mid ahaayeen.

Iran ayaa looga hadlay labada wada hadal ee telefoonka, laakiin wax faahfaahin ah lagama bixin.

Related posts

Mareykanka Iyo Iiraan Oo Ku Fashilmay Inay Heshiis Gaadhaan Ka Dib Wadahadallo Nabadeed Oo Taariikhi Ah Oo Ka Dhacay Pakistan

Cabdi Casiis

Mareykanka oo ciidamada Soomaaliya hub iyo agab kale ugu deeqay

Cabdi Casiis

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Cabdi Casiis