boramanews.com

Ciidamada Maraykanka iyo Ruushka oo wada hadlaya

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Washington iyo Moscow ay ku heshiiyeen dib-u-dhiska wadahadal heer sare ah oo u dhexeeya ciidamada labada dal, saacado kaddib markii uu dhamaaday heshiiskii keli ahaa ee hubka nukliyeerka ee weli jira.

Taliska Mareykanka ee Yurub ayaa sheegay in kanaal isgaarsiineed oo la joojiyay afar sano ka hor markii Moscow weerartay Ukraine, dib loo hawlgaliyay, isla markaana dhinacyadu sii wadi doonaan dadaalka lagu gaarayo nabad waarta. (Telefishinka dowladda Ruushka ayaa soo tebiyay bayaanka Mareykanka.)

Dhanka kale, Kremlin ayaa sheegtay in Ruushku uu sii wadi doono wadahadalka Mareykanka

Labada quwadood ayaa lasoo sheegayaa inay u dhow yihiin heshiis lagu sii wado u hoggaansanaanta is-afagaradka. Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha ayaa sheegay inuusan ku biiri doonin wadahadalada nukliyeerka ee u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka wakhtigan.

Related posts

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo digniin u diray Iiraan

Cabdi Casiis

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Oo Markii Ugu Horeysay u Jawaabay Trump

Cabdi Casiis

Turkiga oo baaraya ciddii ka dambeysay weerar askar looga dilay

Cabdi Casiis