Borama News Network

Madaxweynihii Hore Ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir Laga Saaray Goobtii Lagu Hayay

Qareenka Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay in Al- Bashiir laga soo wareejiyay isbitaal uu ku jiray tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaas bishii April ee sannadkii hore, loona wareejiyay meel ammaan ah oo ah goob milateri.

Maxamed al-Xasan al-Amin ayaa u sheegay mareegta Sudan Tribune in hogaamiyihii hore iyo afar qof oo kale laga saaray xarun caafimaad oo ay ku jireen kadib markii adeegyadii caafimaadka ee halkaasi ku sugnaa ay “gebi ahaanba burbureen”.

Mr Bashir, ayaa lagu helay dambiyo musuqmaasuq, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu hoggaaminayay afgambi militari sanadkii 1989-kii, waxaana lagu daweynayay isbitaal milateri oo ku yaalla magaalada Omdurman oo ay go’doomiyeen ciidamada RSF.

Saaxiibada Suudaan ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa ku guul darreystay in ay heshiisiiyaan ciidanka milatariga ah iyo RSF intii uu socday dagaalka kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 14,000 oo qof iyo barakaca 10 milyan oo kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Abdiaziz Bnnstaff

Muuse Biixi Wakiil Kama Aha Masiirka Umada Somaliyeed Waana In Uu Raali Galin Bixiyaa” Xildhibaan Cagawayne

Abdiaziz Bnnstaff

“Itoobiya Xassan Sheekh Xilka Way Ka Qaadaysaa, ” Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Oo Si Adag u Hadlay.

Abdiaziz Bnnstaff