Borama News Network

Qatar Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujisay In Heshiis Xabbad-Joojin Ah Laga Gaadho Dagaalka Qaza

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Qatar ayaa rajo badan ka muujiyey, heshiis xabad-joojineed oo dhex mara Israa’iil iyo Xamas, iyo in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah.

Majed Al-Ansari ayaa yididiiladan muujiyey, xilli ay magaalada Dooxa ka socdaan wadahadalo ku saabsan, sidii heshiis xabbad-joojineed loo gaadhi lahaa. wufuudda ka qayb gelaya wadahadaladan waxaa ka mida taliyaha sirdoonka ee Israa’iil David Barnea. Hase ahaatee afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ayaa sheegaya inay tahay xilli hore in lagu dhawaaqo in heshiis la gaadhay.

Waxyaabaha miiska yaalla ayay ka mid yihiin, in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo soconaya muddo lix toddobaad ah. Haddiiba heshiiskan la gaadho, waa markii labaad ee labada dhinac ay isku afgartaan heshiis xabad-joojineed muddo shan bilooda oo dagaalku socdo.

Arrimaha laga wada hadlayo ayay ku jiraan, in la sii daayo qaar ka mida la haystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas, halka dhinaca Israa’iil ay iyana sii dayso tobanaan Falastiiniyiin ah.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlayaa in la ogolaado in cunto dheeri ah iyo gargaar bini’aadanimo la geeyo marinka Qaza.

Sarkaal Xamaas u hadlay ayaa soo jeediyey in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan magaalooyinka waaweyn iyo goobaha dadweynuhu ku sugan yihiin. Hase ahaatee faahfaahinta arrintaas, illaa haatan xog badan lagama hayo, waxaana suurogala in wadahadaladu ay qaataan maalmo ama toddobaaddo, sida ay saraakiil kala duwani sheegeen.

Related posts

Waa kuma Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Ee Taariikhda Cusub Dhigay.

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Xogta Howlgalo Ay Laamaha Amniga Somaliya Ku Fashilyeen Qorshayaal Ay Alshabaab Fulinyeen Labadii Bilood Ee La Soo Dhaafay

Abdiaziz Bnnstaff

Maydadka Labadii Qof Oo Godku Ku Damay Ee Duleedka Gabilay Oo La Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff