Borama News Network

Markab Ay Leedahay Shirkadda Maraakiibta Ee Ugu Weyn Caalamka Oo Badda Cas Lagu Weeraray

Shirkadda ugu weyn ee maraakiibta adduunka ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda ganacsiga lagu dhuftay gantaal xilli uu marayey badda cas.

Shirkadda maraakiibta badda Mediterranean-ka ee magaceeda loosoo gaabiyo (MSC) ayaa sharraxday in markabka shixnadaha ee “United Eight” la weeraray xilli uu ka shiraacday Sacuudi Carabiya kuna socday Pakistan shalay oo Talaado ahayd.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee weeraro noocan oo kale ah oo muddooyinkii dambe lala beegsaday maraakiib marayey biyaha badda cas.

Waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah tan iyo markii uu Mareykanku todobaadkii hore bilaabay isbaheysiga caalamiga ah ee badda cas si ay uga hortagaan Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo wacad ku maray in ay ugaadhsan doonaan maraakiibta mara marinka istiraatiijiga ah si ay uga jawaabaan dagaalka Qasa.

Weeraradaasi waxay ku qasbeen shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay joojiyaan safarradooda Badda Cas, oo ay ku jirto shirkadda maraakiibta Jarmalka ee Hapag-Lloyd, taas oo maanta sheegtay in maraakiibtoodu ay ka fogaan doonaan marrinka.

Shirkadda maraakiibta Danishka ee Maersk ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto hawlihii maraakiibta ee Badda Cas ka dib digniinta amniga caalamiga ah ee ay soo saareeb isbahaysiga Ilaaliyaha Barwaaqada”, waxayna go’aansadeen in ay dib u wareejiyaan daraasiin maraakiib ah mar kale si ay halkaas u sii maraan toddobaadyada soo socda, laakiin inkasta oo ay taasi jirto, waxay sii waddaa qorshaheeda, sida ay sheegtay, dib u eegis. Iyo qiimayn iyadoo la filayo khatar kasta oo degdeg ah.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Siyaasi Cabdiqaadir Jirde

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya oo Ururka Iskaashiga Islaamka hordhigtay xadgudubka Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Farmaajo, Shariif, Deni iyo Madax taabacsan oo maanta shir uga furmay magaalada Garoowe

Abdiaziz Bnnstaff