boramanews.com

Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

Ciidamada badda iyo hawada ee Sri Lanka ayaa loo diray inay badbaadiyaan ciidamada ilaalada xeebaha Iiraan oo diray wicitaan gurmad deg-deg ah kadib markii markabkoodu ku bilaabay inuu quuso agagaarka jasiiradda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sri Lanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Vijitha Herath, ayaa baarlamaanka u sheegay in calaamad deg-deg ah oo ka timid markabka “IRIS Dena” la helay waaberigii. Waxaa la sheegay in 180 qof ay saarnaayeen markabka.

Herath ayaa intaa ku daray in 30 ka mid ah ciidamada badda dhaawacmeen lana geeyay isbitaal ku yaalla dekedda Galle ee Sri Lanka.

Sababta quusidda markabka lama oga weli. Xildhibaanno mucaarad ah ayaa weydiyay in markabka la qarxiyay qayb ka mid ah weerarada Mareykanka–Israel ee ka dhan ah Iran, laakiin jawaab rasmi ah weli lama bixin.

Related posts

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis

Madaxa garsoorka Iran oo wacad ku maray ‘Ciqaab degdeg ah oo adag’ oo ka dhan ah mudaaradayaasha

Cabdi Casiis

In Ka Badan 100 Saraakiil Dowladeed Oo Lagu Dilay Dibedbaxyadii Iiraan

Cabdi Casiis