Borama News Network

Muxuu yahay kulanka dhexmaray taliyaasha milatariga Somaliland iyo Itoobiya ee ka dhacay Adis Ababa?

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulan ku dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo ka wada hadlay iskaashi dhinaca ciidamada ah.

Waxa la shaaciyey in Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Itoobiya, Marshal Birhanu Jula, uu kala hadlay iskaashiga dhinaca Millateriga ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Sida lagu sheegay bogga Facebook-ga ee Ciidanka Difaaca Itoobiya, Taliyaha Guud ee Ciidanka Dhulka Marshal Birhanu Julana iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa ay wada-xaajood ka yeesheen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinaca ciidanka.

“Wefti uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidanka Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markii uu soo gaadhay xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxa ku soo dhaweeyey saraakiisha guud,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee Ciidanka Difaaca Itoobiya.
Dhanka kale barta Facebook ee Telefishinka Qaranka Somaliland ayaa lagu daabacay: “Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani iyo taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Ethiopia Marshal Birhanu Julana, ayaa xarunta waddanka Ethiopia ee Adis Ababa kulan ay ku yeesheen kaga wada-hadlay arrimaha iskaashiga militariga ee labada dal.”
Ma jiro wax faah-faahin dheeraad oo ku saabsan nuxurka wadahadalkooda oo ay xuseen labada dhinacba.

Shirkaan ayaa imaanaya todobaad uun kadib markii Somaliland oo gooni isu taag ku dhawaaqsay in ka badan 30 sano ka hor ay oggolaatay in Itoobiya bad kiro ah laga siiyo badda cas, hase yeeshee heshiiskaas ayaa waxaa si adag uga soo horjeestay Soomaaliya oo Somaliland u aqoonsan inay tahay gobol ka tirsan.

Heshiiska ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland toddobaadkii hore ayaa la sheegay in Itoobiya ay ogolaatay inay hesho 20 kiilomitir oo xeeb ah oo ku taal Badda Cas si ay uga dhisato deked iyo saldhig ciidan.

Sida lagu heshiiyey, beddelkeedana waxa la sheegay in Somaliland ay saami ku yeelan doonto diyaaradda Itoobiya iyo sidoo kale in loo aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Mane Gebrekres, ayaa boggiisa X oo horay loo oran jiray Twitter ku sheegay in Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ay ka wadahadli doonaan “arrimaha labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah”.

Inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana ma jiro waddan aan Itoobiya ahayn oo weli sheegay inuu aqoonsanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo dhinaca telefoonka ah kula yeeshay madax kala duwan, ka dib markii ay Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland kaas oo la sheegay inay awood u siinayso inay hesho marin badeed.

Arintan ayaa lagu xasuusan doonaa in wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu iskii iskaga casilay xilkii kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay oo ansixiyay xeer uu sheegay inuu ku diidayo heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa farriin uu ku baahiyey boggiisa X waxa uu ku yiri “Waxaan saxiixay xeer diidaya heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskaasi ku tilmaantay “Weerar qaawan oo ka dhan ah Madaxbanaanida Soomaaliya, Midnimada Dhulka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee la xiriira saxiixa heshiiska; Waxaa la xusuustaa in uu yiri “Heshiiska is-afgaradku waxa uu u gogol xaarayaa in Itoobiya ay ka dhabeyso rabitaankeeda ah in ay si nabad ah u isticmaasho albaabka badda”.

Related posts

Liverpool Oo Guul Silic Ah Kula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

mustafeamiin

Robin van Persie Oo Shaaciyey Sababtii Uu U Tegay Old Trafford Kulankii Aston Villa Ee Xalay

mustafeamiin

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff