boramanews.com

Sacuudiga oo mar kale si adag uga hadlay arrinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga ayaa ma kale ka hadashay sida ay uga soo horjeedo wax waliba oo lagu kala qeybinayo midnimada Soomalaiya.

Bayaan ay soo saartay dowladda sacuudiga o lagu daabacay wakaalada wararka ee sacuudiga ayaa lagu yiri” Golaha Wasiirradu waxa ay soo dhaweynayaan natiijooyinka ka soo baxay shirkii degdegga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee lagu qabtay magaalada Jeddah, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha Soomaaliya”.

Sacuudiga ayaa sidoo kale muujiyay mowqifka adag ee uu a taagan yahay waxa uu ku tilmaamay “abuuridda hay’ado ama maamullo is barbar socda”

“Waxa kale oo ay mar kale xaqiijiyeen mowqifka adag ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ka dhanka ah isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo is barbar socda oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya, wadajirka dhulkeeda, ama madax-bannaanideeda qaran” aya lagu yiri bayaanka Sacuudiga.

Related posts

Qarax laga maqlay meel u dhow hoteel uu Macron ka degenaa Dimishiq

Cabdi Casiis

“Madaxweyne Cirro Isaga Oo Dawladdiisu liidato Ayuu Ictiraafkii Keenay” Afhayeenka Kulmiye

Cabdi Casiis

UK oo diyaarinaysa Markab dagaal oo loo diri karo Badda Mediterranean-ka

Cabdi Casiis