boramanews.com

Titada Dhimashada Dibedbaxyada Iiraan Oo Korortay

Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

Waxa uu tii talaadada u sheegay weriyeyaasha, inuu isku dayayo inuu soo ururiyo tiro sax ah oo ku saabsan tirada dadka dhintay oo uu si waafaqsan uga jawaabi doono.

Mr. Trump wuxuu la tashanayay la taliyayaashiisa amniga qaranka.

Horay ayuu ugu hanjabay tallaabo adag, wuxuuna uga digay Iran inay qofna daldalaan.

Iran ayaa ku eedaysay inuu hurinayo rabshado.

Related posts

Madaxa howlgalka musaafurinta oo laga saarayo Minneapolis

Cabdi Casiis

Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Warmurtiyeed Xasaasi Ah Soo Saaray

Cabdi Casiis

In Ka Badan 100 Saraakiil Dowladeed Oo Lagu Dilay Dibedbaxyadii Iiraan

Cabdi Casiis