boramanews.com

Mareykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa jooga Iiraan

Safaaradda Mareykanka ee Iiraan ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan dalka Iran, iyadoo ku amartay inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan

Bayaanka lagu daabacay bogga internetka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri in: “mudaharaadyada ka socda Iiraan ay sii kordhayaan, waxaana jira cabsi laga qabo inay isu beddelaan rabshado, taasoo keentay kororka tirada dadka la xiray iyo dhaawacyada. Tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay, waddooyinka waa la xiray, gaadiidka dadweynaha ayaa hakad galay, adeegyada internetkana waa la joojiyay”.

“Dowladda Iiraan waxay xaddiday adeegsiga taleefannada. Shirkadaha diyaaradaha waxay xaddideen ama joojiyeen duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imanayay Iiraan, halka dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay joojiyeen adeegyadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa muwaadiniintooda ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan, sida lagu sheegay bayaanka, iyagoo intaas ku daray haddii ay suurtogal tahay, inay maraan dhulka oo ay tegaan dalalka Turkiga ama Armenia.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in helitaanka xogta saxda ah ay adag maadaama uu Khadka go’an yahay, laakiin xogaha la helay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay sii korodhay.

Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

Related posts

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabay socdaal diblumaasiyedeed oo taageero loogu raadinayo in aan la aqoonsan Somaliland

Cabdi Casiis

Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska

Cabdi Casiis