boramanews.com

Duuliye diyaaradda dagaalka ee Mareykanka oo la xiray kadib xiriir qarsoon oo uu la sameeyay Shiinaha

Sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo “duuliye sare” oo diyaaradda dagaalka F-35 ah ayaa la xiray.

Waxaa lagu eedeeyay inuu khiyaanay dalkiisa isagoo si sharci darro ah u tababaray duuliyeyaasha militariga Shiinaha.

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Gaashaanle hore oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Gerald Brown, oo mar loo yaqaanay “Runner”, Arbacadii lagu xiray gobolka Indiana.

Waxaa lagu soo oogay dawcad dembiyeed ah inuu doonayay inuu bixiyo xogta adeegyada difaaca Mareykanka isagoo aan wax oggolaansho ah heysan..

Brown, oo 65 jir ah, oo hore u ahaa duuliyaha diyaaradda F-35 Lightning II, oo khibrad tobanaan sano ah u lahaa Ciidanka Cirka, “ayaa la sheegay inuu khiyaanay waddankiisa isagoo tababaray duuliyayaal Shiinees ah si ay ula dagaallamaan kuwa uu ku dhaartay inuu ilaalin doono”, Roman Rozhavsky, oo ah ku xigeenka agaasimaha FBI-da, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray.

“Dowladda Shiinaha waxay sii waddaa inay ka faa’iidaysato khibradda xubnaha hadda iyo kuwii hore ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay u casriyeyso awoodaha militariga Shiinaha”,ayuu yiri Rozhavsky.

Related posts

“Waxaa lasoo xiray boggii cabsida, waxaana la furay baalkii kalsoonida shacabka”

mustafeamiin@gmail.com

“Ninka mar walba hogaaminayay ee dhulka inala dhacay waa Ismaaciil Cumar Geelle” Gudoomiye Saleebaan

Cabdi Casiis

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo ka hadlay Waxqabadkii Wasaaradda ee Sannadkii 2025.

Cabdi Casiis