Borama News Network

Jaamacada Carabta Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaysa Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Itoobiya Iyo Somaliya

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadi shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo amhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland .

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaas qaban doono 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA.

Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gudoomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed.

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Related posts

“Xukuumadu waxay doonaysaa inay dab ka shido galbeed iyo bari ee iska samra” Siyaasi Cabdisalaan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Canada Oo Si KMG Ah u Hakisay Qaadista Qaxootiga Iyo Codsiga Kooxaha Shanta Ah Ee (Group Five)

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Dowlada Turkiga U Gacan Galisay Afar Qof Oo Muhiim U Ahaa Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff