boramanews.com

Israa’iil oo duqayn ka gaystay oonfurta caasimadda Bayruut

Israa’iil ayaa duqeysay xaafad ku taalla Dahieh, oo ku taalla koonfurta caasimadda Bayruut.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarradu ay ku wajahan yihiin in lagu khaarijiyo taliye ka tirsan Xisbullaah.

Dad ayaa la arkayay habeenkii Arbacada iyagoo ku ururaya goobta si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay weerarka.

Dhanka kale, Isagoo la hadlayay Israa’iiliyiinta kulankii golaha wasiirrada ee maanta ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu sheegay in uu xidhiidh joogto ah la leeyahay Donald Trump—isla markaana uu qorsheynayo in uu mar kale la hadlo caawa.

“Waxaan sii wadnaa xidhiidhka joogtada ah ee aan la leenahay saaxiibadeenna Maraykanka. Waxaan la hadlaa Madaxweyne Trump ku dhowaad maalin kasta,” ayuu yidhi.

“Ma jiraan wax lama filaan ah,” ayuu yiri. “Waxaan wadaagnaa ujeeddooyin isku mid ah.”

Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay in Trump uu aamminsan yahay in uu ku guuleysan karo dagaalka Iiraan islamarkaana burburin karo awooddooda nukliyeer “si kasta ha noqotee.”

“Waxaan u diyaar garownay xaalad kasta,” ayuu yidhi.

Related posts

Magaalada Borama Oo Maanta Laga Oogay Salaada Roob Doonta

Cabdi Casiis

Mareykanka Oo Shuruudo Kale Ka Baxsan Nukliyeerka Iran Soo Bandhigay

Cabdi Casiis

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weerar ku dishay 29 ka tirsan A-shabab

Cabdi Casiis