Waxaa jira walaac, gaar ahaan dalalka Yurub, oo ku saabsan in kulanka saddex geesoodka ah ee Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin uu u ekaan karo shirkii Yalta ee sannadkii 1945-kii, xilli uu dagaalkii labaad ee adduunku dhammaad ku dhowaa.
Shirkaas ayaa si weyn loogu dhaliilay go’aannadii lagu gaaray, kuwaas oo lagu qaabeeyay mustaqbalka dalal yaryar iyada oo aan dalalkaasi ka qaybgelin go’aan gaarista.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa muujiyay walaac laga qabo in kulanka saddexda hoggaamiye uu horseedi karo heshiis laga gaaro Ukraine iyada oo aan dowladda Kyiv wax talo ah ku lahayn.
Hoggaamiyeyaal kale oo reer Yurub ah ayaa sidoo kale marar badan sheegay in aan laga wada hadli karin nabadda Ukraine iyada oo aan Ukraine lafteedu qayb ka ahayn wada-hadallada.
Zelensky ayaa ka digay in la qabto shir uu ku tilmaamay “Yalta 2, 3 ama 4”, kaas oo lagu kala qaybsanayo saamaynta siyaasadeed ee caalamka.
Walaacyadani ma aha kuwo aan sal lahayn, marka la eego sida Trump mararka qaar uga leexdo mowqifkiisa hore iyo dhaleeceyntiisa fagaare ee Zelensky, isaga oo ku eedeeyay inuusan hore u aqbalin in dagaalka la soo afjaro.
Horaantii toddobaadkan, ka hor inta uusan u safrin Aasiya, Trump ayaa Ukraine ku tilmaamay “mawduuca uu ugu jecel yahay”, isaga oo sheegay inuu arrintaas ku soo qaadi doono wada-hadallada saddex geesoodka ah.
Dhanka kale, magaalada Berlin, hoggaamiyeyaal ka socda daraasiin dalal ah ayaa la filayaa inay maanta kulmaan, si ay uga wada hadlaan taageerada Ukraine.
