Kulan ay iskugu yimaadeen wasiirada Arimaha DIbadda ee dalalka Sacuudiga iyo Masar ayeey kaga wadahleen qoddoba ay ka mid ayihiin arimaha Soomaaliya.
Wasiirrada ayaa xaqiijiyeen in gebi ahaanba la diiday tallaabooyin kasta oo hal dhinac ah ah oo taabanaya madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil ee Soomaliland. Taas oo xadgudub bareer ah ku ah beey yiraahdeen mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay, isla markaana wiiqaya aasaaska nabadda iyo amniga gobolkaas muhiimka ah.
Dhinacyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen mowqifka adag ee Masar iyo Sucuudiga ee ay ku taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo amniga dhulka Soomaaliyeed, waxayna kasoo hor jeesteen isku dayo kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya ama lagu nusqaamiyo dawladnimadeeda.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimo ay kamid yihiin Marinka Gaza iyo Yemen.
Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii sheegay in Türkiye ay “si dhow” ula socoto horumarada ka socda Yemen iyo Soomaaliya, kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga.
Waxaa uu Erdogan dhanka kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xasiloonida ilaalinta midnimada dhuleed ee labada dal.
Sida laga soo xigtay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Turkiga, intii wada hadalku socday, Erdogan iyo Maxamed bin Salman, waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.
Erdogan wuxuu sheegay in Türkiye ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada la isugu keenayo dhinacyada is haya ee Yemen.
Wuxuu sidoo kale sheegay, in Ankara ay hiigsaneyso inay xoojiso iskaashiga u dhexeeya Türkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah maalmaha soo socda.
Isagoo ka digaya in xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ay sii xumaaneyso marka la gaaro xilliga qaboobaha, Erdogan wuxuu intaas ku daray in Türkiga uu sii wadi doono ka shaqeynta xabad joojin waarta iyo dib u dhiska goobaha dagaalku saameeyay.
