boramanews.com

Maalqabeenka Elon Musk Iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar Oo Hadalo Kulul is-Waydaarsaday

Waxaa mar kale baraha bulshada foodda is daray xildhibaanad Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Elon musk.

Elon musk ayaa bartiisa X ku soo qoray qoraal u dhignaa” Ilhan Omar waa tusaalaha ugu cad. Tiro badan oo Soomaali ah oo dhowaan yimid ayaa degmadaas Minnesota ka dooran doona oo keliya qof Soomaali ah si uu ugu matalo Koongareeska.

Waxaa u intaa ku daray “Tani meelo badan oo kale oo Maraykanka ah way ka qarsoon tahay, balse saameynteedu waa mid la mid ah, oo sidaas oo kale u xun”

Balse Ilhan Cumar oo ka jawaabaysa hadalka Musk ayaa sheegtay in degaanka laga soo doorto ay u badan yihiin dad caddaan taasi oo ay sheegtay in uusan war u hayn.

“Waxaad ka mid tahay dadka ugu caqliga liita adduunka. Degmadaydu dhab ahaantii waa degmo ay u badan yihiin dad caddaan ah. Aragtiyadaada shirqoolka ah waa wax lagu qoslo, mana laha meel ay kaga jirto bulsho danaynaysa xaqiiqooyinka iyo runta”.ayy tiri xildhibaanad Ilhaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay maalqabeenkan Elon Musk iyo ilhan Cumar ay hadalo kul is waydaarsadaan.

Related posts

Ciidamada Ilaalada Xadka oo lasoo dhoobay Minneapolis iyo dibadbaxyada oo weli socda

Cabdi Casiis

Putin iyo ergayga Trump oo wada-hadallo Ukraine ku saabsan ku yeelanaya Moscow

mustafeamiin@gmail.com

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Cabdi Casiis