boramanews.com

Zelensky ‘’ 55,000 oo askar Ukraine ah ayaa lagu dilay dagaalka Ruushka’’

Tirada askarta u dhashay dalka Ukraine ee lagu dilay goobaha dagaalka afartii sano ee dagaalka Ruushka uu socday ayaa gaartay 55,000, sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Zelensky wuxuu tiradan ku sheegay wareysi uu la yeeshay telefishanka France 2 Arbacadii. Intaa waxaa dheer, tiro badan oo dadka maqan ayaa si rasmi ah loo tixgeliyey in la la’yahay.

In kasta oo Kyiv iyo Moscow labaduba si joogto ah u daabacaan qiyaasaha khasaaraha dhinaca kale, haddana waxay ka labalabeeyaan inay faahfaahiyaan khasaaraha ay iyagu galeen.

Si kastaba ha ahaatee, BBC ayaa xaqiijisay magacyada ku dhawaad 160,000 oo qof oo lagu dilay dagaalka dhinaca Ruushka ee Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaaminayay dadaallada lagu joojinayo dagaalka oo bilowday markii Ruushku si buuxda ugu duulay deriskiisa 22-kii Febraayo 2022.

Related posts

Kuweyt ayaa ku dhawaaqday khasaare gaadhay ciidankeeda

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo digniin u diray Iiraan

Cabdi Casiis

” Maanta Dunida ma jirto cid aan garanayn Somaliland, Wadamada qaylada dhaadheer ha dhagaysaniina”

Cabdi Casiis