boramanews.com

UK oo diyaarinaysa Markab dagaal oo loo diri karo Badda Mediterranean-ka

Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK ayaa sheegtay in markabka RFA Lyme Bay la diyaarinayo haddii loo baahdo inuu ka caawiyo hawlo ka socda bariga Badda Mediterranean-ka.

War-saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii maanta, afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa yiri: “Qorshayn taxaddar leh oo aan sameynay awgeed, waxaan go’aansannay in markabka RFA Lyme Bay la geliyo heer diyaargarow sare ah, si taxaddar ahaan, haddii loo baahdo inuu ka qayb qaato hawlaha badda ee bariga Badda Mediterranean-ka.”

RFA Lyme Bay waa markab ciidamo iyo qalab dejin kara (landing ship) oo sidoo kale leh xarumo caafimaad oo saaran. Hadda waxa uu ku sugan yahay Gibraltar.

UK sidoo kale waxay u diraysaa markabka dagaalka HMS Dragon Badda Mediterranean-ka, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga John Healey uu shalay sheegay in markabku ka bixi doono Portsmouth maalmaha soo socda.

Related posts

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis

Midowga Yurub oo ansixiyay $88 Milyan oo lagu taageerayo Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Cabdi Casiis

Markab kuwa ciidamada badda Iiran oo ku deggey agagaarka xeebaha Sri Lanka

Cabdi Casiis