boramanews.com

Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska

Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Related posts

Xoghayaha difaaca Maraykanka oo sheegay in Iiraan ay samayso heshiis ‘Maangal ah’ iyadoo Pakistan ay filayso in Iran ay ka qaybgasho wada-hadallo ‘caawa’.

Cabdi Casiis

Biljimka Oo Ku Biiray Kiiska Ka Dhanka Ka Ah Isra’iil Ee ICJ

mustafeamiin@gmail.com

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis