boramanews.com

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump Oo War Cusub Ka Sheegay Dagaalka Iran

Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu ” dhowaan” ka bixi doono dagaalka Iiraan, tallaabada milatari ee Maraykankuna ay dhammaan karto “laba ama saddex toddobaad” gudahood.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku guuleystay hadafyadii loo dejiyay ka hor inta aysan bilaaban weerarrada dhanka cirka ee ka dhanka ahaa Iiraan bishii hore, kuwaas oo ay wada fuliyeen Israa’iil. Wuxuu xusay in hadafkii koowaad ee ahaa in laga horistaago Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah la gaaray, haddana ay “shaqada dhamaystirayaan.”

Trump waxa sidoo kale uu sheegay in Maraykanku uu hadda maamulo cirka Iiraan, uuna ku guuleystay isbeddelka nidaamka ka dib markii la dilay hoggaamiyeyaal badan oo sare oo dhanka siyaasadda iyo milatariga ah. Waxa uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha cusub ee Tehraan kuwo “ka xagjirnimo yar” oo “caqli badan” marka loo eego kuwii ka horreeyay.

Sidoo kale wuxuu xusay Trump in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay “ka baryayaan inay heshiis la galaan” Maraykanka si loo soo afjaro dagaalka, taas oo ay markii hore Iiraan beenisay. Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu dhammaan karo xataa haddii aan la gaarin heshiis dhex mara labada dhinac.

Related posts

Saif al-Islam Gaddafi wiilkii hoggaamiyihii Liibiya oo la dilay

Cabdi Casiis

Itoobiya ayaa bilowday in ay midayso dadkeeda si ay uga hortagto Masar iyo Erateeriya

Cabdi Casiis

Iiraan oo Trump ku qasabtay in uu aqbalo 8 shuruud oo ku adag

Cabdi Casiis