boramanews.com

Iiraan oo Trump ku qasabtay in uu aqbalo 8 shuruud oo ku adag

Dowladda Iiraan oo ogolaatay xabbad-joojinta ka timid Dalalkii waanwaanta abuuray ee Pakistan ugu horreeyo ayaa dhiggeeda Washington hordhigtay 8 shuruud oo ku adag aqbalidda Donald Trump oo Israa’iil ay diidan tahay.

Trump ayaa loo gudbiyay saacadihii ugu dambeeyay ee dedaallada wadahadallada in uu aqbalo shuruudaha dhinaca Iiraan oo ah kuwo masiiri ah oo bannaanka soo dhigaya jabka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo midka Militari ee kasoo gaaray duullaankiisa.

Shuruudaha Iiraan ay hordhigtay Donald Trump ayaa kala ah:

1-In uusan Maraykanka markale weerari Karin Iiraan & Saaxiibadeed Xisbullaahi iyo Xuutiyiinta.

2-In Iiraan loo fasaxo maamulka Marinka Hormuz iyada oo kaashanaysa Dalka Cummaan.

3-Bacriminta Nukliyeerka in ay sii wadi karto isla markaana aanay lagu faragelin karin.

4-In laga qaado Cunaqabataynta waqti dheer saaran ee waqtigeedu ka badan yahay 30ka sano.

5-In meesha laga saaro indha indhaynta Qaramada Midoobay ee Hubka Iiraan.

6-In magdhaw laga siiyo dhibaatadii Maraykanka iyo Israa’iil ay u gaysteen Iiraan.

7-In Ciidamada Maraykanka guud ahaan laga saaro Bariga Dhexe si nabadgalyo loo dareemo.

8-In la nabadgaliyo Xisbullaahi oo Lubnaan ah & Xuutiyiinta Yemen.

9-In Iiraan lacag ay ka qaadato Maraakiibta Maraysa Marinka Hormuz.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la sheegay in uu aqbalay qodobadaas xitaa isaga oo dhibsanaya ama ku adag tahay ogolaanshiyahooda balse waxaa ku khilaafsan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo markii horeba dagaalka geliyay.

Labo todobaad oo xabbad joojin ah ayaa la galay iyada oo la qiimaynayo cidda jabisa ama diidda shuruudaha, haddii arrintu wanaagsanaato oo dhaqangasho xabbad-joojintu waxaa loo gudbi karaa dedaallada kale ee diblumaasiyadeed.

Related posts

Madaxwayne Trump Oo Wacad Ku Maray In UuBoqolkiiba Boqol Fulinayo Hanjabaadihiisa

Cabdi Casiis

Trump oo weeraray Soomaalida iyo Ilhan Cumar oo ku qaylisay intuu hadlayay

Cabdi Casiis

Maraykanka Oo Weeraro Ka Fuliyey Nayjeeriya

mustafeamiin@gmail.com