boramanews.com

Xoghayaha difaaca Maraykanka oo sheegay in Iiraan ay samayso heshiis ‘Maangal ah’ iyadoo Pakistan ay filayso in Iran ay ka qaybgasho wada-hadallo ‘caawa’.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa maanta oo jimce ah ku adkeystay in Mareykanku uusan ku degdegayn inuu heshiis la galo Iran, isagoo muujiyay mowqif adag xilli uu qabanayey shir jaraa’id oo uu uga digay in go’doominta Mareykanka ee Marinka Hormuz ay tahay mid “kordhaysa oo caalami noqonaysa.”

Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku uusan “u hamuun qabin” inuu heshiis gaaro, isagoo ku celiyay hadalkii Madaxweyne Donald Trump ee Khamiistii kaas oo ahaa inuusan dareemayn wax cadaadis ah oo ku saabsan inuu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

“Waxaan haysannaa waqti kasta , uma haraadanayn heshiis,” ayuu Hegseth ka yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Pentagon-ka. Wuxuu xusay in Iran ay “fadhido meeshii laga go’aan qaadan lahaa” si loo gaaro heshiis udub-dhexaadkiisu yahay in nidaamka Tehran ka tanaasulo barnaamijka hubka nukliyeerka.

Hadalladan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid qaab-hadalka maamulka ka dib markii Trump uu kordhiyay xabbad-joojinta horaantii usbuucan, isagoon cayimin inta ay soconayso. Maalmihii hore ee iskahorimaadka, Trump wuxuu sheegay inuu dagaalku qaadan doono afar ilaa lix toddobaad.

Balse, dagaalka ayaa hadda ku dhow calaamadda labada bilood iyadoo aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Iran ay doonayso inay ka tanaasusho hankeeda nukliyeerka.

Related posts

“ Diinta Islaamka suurto gal maaha in la qayb qaybiyo oo intaad doonayso aad ka qaadato “ Sh.Maxamed

Cabdi Casiis

Somaliya Oo Shir Gudoomisay Kulankii Ugu Horeeyay Sanadkan Ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

Cabdi Casiis

Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

Cabdi Casiis