boramanews.com

Dowlada Iiraan Oo Ka Hadashay Maraakiib Shidaal Oo Gacanta Ay Ku Dhigtay

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay qabteen laba markab oo siday “shidaal sharci daro ah” oo marayay gacanka Faaris.

Mas’uul ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Idaacadda Iiraan u sheegay in markabadan lagu qabtay amar maxkamadeed meel u dhow Jasiiradda Farsi, kadibna loo wareejiyay Bushehr.

Sida uu mas’uulkaasi sheegay, “in ka badan hal milyan oo litir oo shidaal nooca diesel-ka ah oo sharci daro ah” ayaa laga helay maraakiibtan, waxaana loo gudbiyay Shirkadda Qaybinta iyo Saliidda Qaranka.

Wuxuu intaa ku daray in “15 shaqaale ajnabi ah” oo maraakiibtan saarnaa sidoo kale la xiray laguna wareejiyay hay’adaha garsoorka.

Qabashada maraakiibtan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington ay sii kordhayaan iyo imaanshaha ciidanka badda ee Maraykanka ee gobolka.

Related posts

Toogashada maanta waxay ka dhacday isla goobtii 1981 ay halis ku gashay nolosha Reagan

Cabdi Casiis

Maraykanka iyo Iiraan oo is-weydaarsaday weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday maraakiib xilli uu dagaalku sii xoogaysanayo

Cabdi Casiis

Tirada iyo magacyada dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Cabdi Casiis