boramanews.com

Dowlada Iiraan Oo Ka Hadashay Maraakiib Shidaal Oo Gacanta Ay Ku Dhigtay

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay qabteen laba markab oo siday “shidaal sharci daro ah” oo marayay gacanka Faaris.

Mas’uul ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa Idaacadda Iiraan u sheegay in markabadan lagu qabtay amar maxkamadeed meel u dhow Jasiiradda Farsi, kadibna loo wareejiyay Bushehr.

Sida uu mas’uulkaasi sheegay, “in ka badan hal milyan oo litir oo shidaal nooca diesel-ka ah oo sharci daro ah” ayaa laga helay maraakiibtan, waxaana loo gudbiyay Shirkadda Qaybinta iyo Saliidda Qaranka.

Wuxuu intaa ku daray in “15 shaqaale ajnabi ah” oo maraakiibtan saarnaa sidoo kale la xiray laguna wareejiyay hay’adaha garsoorka.

Qabashada maraakiibtan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington ay sii kordhayaan iyo imaanshaha ciidanka badda ee Maraykanka ee gobolka.

Related posts

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Cabdi Casiis

Xubno Ka Tirsan Xisbiga Kaah Oo Shaaciyay Is Casilaadooda Dhaliilo Miisan Culusna U Jeediyay Maxamuud Xaashi

Cabdi Casiis

Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadaladii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Dalka Turkiga

Cabdi Casiis