boramanews.com

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay fadeexadda Mandelson

Keir Starmer ayaa ka hadlay qaar ka mid ah arrimaha ku xeeran kiiska fadeexada faylashada Jeffrey Epstein ee la xariirta Mandelson.

Starmer wuxuu sheegay inuu siyaasadda ku soo biiray da’ dambe, isaga oo xusay waayo-aragnimadiisii shaqo ee nidaamka caddaaladda dambiyada.

Wuxuu sheegay in siyaasadda uusan u gelin dano shaqsiyeed ama sumcad, balse uu u galay si uu dalka uga dhigo “mid caddaalad badan, ammaan badan, oo xasilloon.”

Wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in dadka siyaasadda u galaan ay sidaas u sameeyaan iyagoo ka duulaya u adeegidda bulshada iyo waajib qaran.

“Laakiin taasi ma ahayn sababta uu Mandelson u galay siyaasadda,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in dareenka waajibaadku uu qiimo leeyahay oo keliya marka la dhowro heerarka anshaxa ee xilalka dadweynaha.

“Eedeymo culus iyo caddeymo dhab ah ayaa soo baxay oo la xiriira dhaqanka Mandelson, kuwaas oo ay ka mid tahay xiriirkiisii Epstein,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Related posts

Akhriso Waxayaabaha Lagaga Wada Hadlay Kulankii Dhex Maray Madaxqadheedka Awdal Iyo Madaxwayne Ciro

Cabdi Casiis

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay meel u dhow Barcelona

Cabdi Casiis

Faahfaahin ka soo baxaysa tahriibayaal ku dhintay badda Giriigga iyo dalalka ay ka yimaaden

Cabdi Casiis