boramanews.com

Koonfur Galbeed Oo Sheegtay Inay Soo Afjartay Dagaalkii Ka Socday Baydhabo

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii labada maalin ee ka dhacay Baydhabo isaga oo ku tilmaamay inay ahaayeen kooxo burcad ah.

”Waxaad ogtihiin saacadihii la soo dhaafay in magaalada Baydhabo ay kooxo burcad ah oo mooryaan ah oo isbaaraleey ah ay ka abuureen fadqalalo, waxaad ogtihiin markii u horeeysay inay weerareen suuqa xoolaha, halkaas oo dad ganacsata ah oo suuqaasi lagu kala iibsanayo xoolaha inay weerar ku qaadeen oo shacab ku dhibaateeyeen’’

Waxa uu intaasi ku daray ‘’Waxaan idiin xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in kooxdaasi fadqalalaha ka abuuray saacadihii la soo dhaafay magaalada Baydhaboi inay ahaayeen kooxo isbaaraleey ah oo burcad ah oo aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama siyaasad ku lug leh’’

Ugu dambayn ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed inay soo afjareen dagaalkii ka socday Baydhabo ‘’Saacadaan aan idinla hadlayo, waxaan si dhamaystiran idiin caddeynayaa in si dhamaystiran loo soo afajaray kooxahaasi burcdka ah, ammaanka goobihii ay fadqalalaha ka wadeena, waxaa gacanta ku haya ciidamada amniga oo dhamaystiran Koonfur Galbeed oo hal qaybna aysan ka maqnayn ayaa gacanta ku haya’’

Related posts

Halka uu hubka nukliyeerku ugu qarsan yahay dalka kaliya ee islaam ah ee haysta hubkan -warbixin hore

Cabdi Casiis

Madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabay socdaal diblumaasiyedeed oo taageero loogu raadinayo in aan la aqoonsan Somaliland

Cabdi Casiis

Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo ganaax adag ku riday Morocco iyo Senegal

Cabdi Casiis