boramanews.com

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay garoomo dhowr ah oo ku yaalla gobolka Tegrey, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha iyo cabsi laga qabo in dib colaadi uga dhex qaraxdo dowladda federaalka iyo TPLF. BBC ayaa xaqiijisay in duullimaadyadii u kala gooshi jiray Addis Ababa iyo Tegrey la hakiyay, iyadoo rakaabka lagu wargeliyay farriimo qoraal ah oo lagu sheegay in ay dhaceen “duruufo lama filaan ah.”

Duullimaadyadii maanta loo qorsheeyay inay ka baxaan Addis Ababa kuna wajahnaa Mekelle, Humera, Shire, iyo Aksum ayaa la baajiyay. Wariye BBC Tigrinya ah oo ku sugan Mekelle ayaa xaqiijiyay baajintaas kaddib booqasho uu ku tagay xafiiska tigidhada ee shirkadda. Shaqaalaha shirkadda diyaaradaha iyo garoonka Mekelle ayaa sidoo kale lagu amray inaysan shaqo iman Khamiista maanta ah. Ilaa hadda, Ethiopian Airlines iyo dowladda midkoodna kama hadlin arrintan, halka Horn of Africa Services ay weli sugayso jawaab ka timaadda shirkadda.

Dhanka kale, warar ka imanaya waqooyi-galbeed Itoobiya ayaa sheegaya iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka federaalka iyo dagaalyahannada Tegrey oo ka dhacay Mai Degusha, oo ah deegaan muran ka taagan yahay kana tirsan Degmada Tselemti, ayna ku muransanyihiin gobollada Amhara iyo Tegrey. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ka socda koonfurta Tegrey, taasoo sii xoojinaysa walaaca laga qabo in colaad dib u qaraxdo. Ilaa hadda, wax xaqiijin rasmi ah kama soo bixin dowladda federaalka Itoobiya ama maamulka Tegrey.

Related posts

Maraykanka oo muwaadiniintiisa Bayruut ugu baaqay in ay ka baxaan ama goob ammaan ah tagaan

Cabdi Casiis

Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo. Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay. Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

Cabdi Casiis

Maamulka Puntland Oo Ciidamo U Diray Deegaanka Roox Ee Gobolka Mudug

Cabdi Casiis