Borama News Network

Suldaan Saciid Axmed oo loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda & dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, ka dib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta X ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland ayaa lagu yiri, “Wasiirka Arrimaha Dibadda Elina Valtonen, waxay Suldaan Siciid Axmed u magacawday ergaygeeda gaarka ah ee dhexdhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika. Saciid Axmed wuxuu diiradda saari doonaa taageeridda hababka nabadda.”

Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika.

Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu u leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka gobolka horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka, isagoo sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dowladda Finland.

Related posts

Dowlada Jabuuti oo IGAD ugu baaqday shir looga arrinsanayo Xaaladda ka dhex taagan Soomaaliya Iyo Itoobiya.

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliya waxa u hadhay uun inay awood Ciidan inoo adeegsato…” Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff

Israaiil Oo Aad u Dhibsatay Go’aanka Antonio Guterres Uu Ku Garab Istaagayo Shacabka Falastiin

Abdiaziz Bnnstaff