boramanews.com

Trump ”Soomaaliya xitaa waddan ma aha. Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida

Trump ayaa mar kale aflagaadeeyay Soomaalida, isagoo sheegay in “waxyaabaha keliya ee ay ku fiican yihiin” ay yihiin “burcad-badeednimo”.

Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.

“Taasi waa ku dhowaad waxa keliya ee ay ku fiican yihiin — waa inay ku fiican yihiin burcad-badeednimada badda, maraakiib waaweyn,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya xitaa waddan ma aha,” ayuu yiri. “Ma haystaan wax u eg dowlad ama waddan. Haddii ay waddan tahayna, waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida.”

Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.

Related posts

Qarax laga maqlay meel u dhow hoteel uu Macron ka degenaa Dimishiq

Cabdi Casiis

Danjire Tibor Nagy ayaa Dunida u sheegay in Somaliland ay ahayd markeeda horeba dal Madaxbanan

Cabdi Casiis

Dadkii iibsaday iPhone 15 iyo 16 oo la siinayo $250 milyan oo doolar kadib qalad la ogaaday

Cabdi Casiis