Thursday, 18 August 2016 01:49

Dhibta iyo Dheefta Madaarka Cigaal: Qaybta 1aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Aniga oo godob ka tirsanayay adeegayaasha Madaarka Cigaal iyo Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa hawada la ii soo mariyay hanjabaad kale. Inta xabsiga la ii taxaabay ayaa haddana Sirdoonka Maroodijeex la igu wareejiyay, wax sharci iyo maxkamad ahna la ima marinnin. Gabbood-falkaana la igama daw-bixine, waa aan ka dul-qaatay, waxaanu dhacay 21kii illaa 22kii Julaay sannadkii 2014ka.

Waxa la yidhi “Maqaal ayuu ka qoray Madaarka ee Hargeysa. Magaciisa waxa la geeyay saldhigyada booliska, sirdoonka, C.I.D iyo meelo kale. Daba-galkiisana waxa naga caawiyay shirkadaha is-gaadhsiinta oo ah basaasiin xukuumadda la shaqeeya, haddii aad hebelow la hadli weydana, waa aanu iska celin”. Haa… Horta Wasaaradda Duulistu ma aha Xaramkii barakaysnaa, waa la dhaliilayaa. Weliba waxa badan ceebaha dul hoganaya ee afka laga dhawrayay.

Haddii aad ii taqaanneen qoraa, abwaan, macallin iyo qof heer qaran ah, maanta tacaddiga socda ayaa sababay in aan ku hadlo afkii Siilaanyo iyo weedhaha siyaasiyiinta Somaliland looga bartay. Ummadda Somaliland oo aan geyin in la kala qaadana waxa aan leedahay “Nin ay habari dhashay hal ma seegi waayo’e, ii dul-qaata maanta. Dad la dulmiyay ayaan u hadlayaa, naftaydana waan difaacayaa, dad moodaya in xadhig iyo xabbad wax la xukumana itaalkooda ayaan tusayaa”.

Gabaygan kooban ee aan magaciisa u bixiyay dhakafaar, waxa aan ku cabbirayaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka jira deegaanka Masallaha Hargeysa ee uu madaarku ku yaallo sida: shirkado madaarka lagu naas-nuujiyo, xaafadda oo aan rug caafimaad iyo dug sare lahayn, sida uu taarka madaarku u dhibay dadka Uubaale, shaqaalaynta oo dhinac ka raran, waddadii Sallaxley/Balligubadle inta soke ee dawladdu ballan-qaadday oo aan la dhisin iyo arrimo kale.

Waxa aan leeyahay “ciidan iyo caja-jugleyn kuma joogsan karo. Geerida horteedna xarragada ka tegi maayo. Haddii uu waraabe isku toosiyo libaax hurda, aarku laba ayuu u kala gooyaa dhurwaaga. Dad sidaas oo kale ahna waan arkaa”

Gabayga dhakafaar waxa uu yidhi:

Dhaliishaada anigoon jeclayn, dhawrso maad garanne

Dhataqlaha midhkii aad i tidhi, iima dhaadhicine

Adigoo darraad dhoohanow, sharafta dhooqeeyay

Haddaad maanta soo dhiirran tahay, waa dheg-xumo weyne

Dhawaaqaagu wuxu kicinayaa, dhiillo aan dedaye

Bal dhegayso xaajada jirtaan, kuu dhambalayaaye

Masalluhu dhibaatada heshuu, dhamac ku joogaaye

Dhismihii madaarkiyo kolkuu, dhagarta heenseeyay

Dhaldhalaalka mooyee intuu, dhiif unkaa badane

Dad dhulkoodi aad seerateen, loo mag-dhebi waaye

Dheeraadna waxa qaatay kii, dhaanka loo diraye

Ummaddaad dhacdeen baan kolnaba, dheefti loo celine

Dhismihii iskuulkooda sare, dhacanta loo jiidye

Dhigashada tacliineed arligu, dib u dhac weeyaane

Dhabbahana markii taarka iyo, deyrka lagu dheegay

Dhallaankaygi midhihii cilmiga, dhuunta may marine

Uubaale dhakafaarka helay, waan la dhuganayne

Sallaxley dhantaalkaad baddeen, way dhutinaysaaye

Waddadaa dhankaa Hawd tagtana, maad dhammaystirine

Dhanka barina buur buu faantaa, dheelmad gaadhiguye

Jid-xumadada dad baa halis ku dhacay, oo la dheelliyaye

Dhaska iyo markii siigadiyo, boodhku nagu dhoobmay

Dhagax-shiidku cudurkuu unkaa, dhabar-jab weeyaane

Dhaqaalii cid gaaraa la yidhi, waa la dhigayaaye

Dhaladkaan shaqaalaha la qorin, lana dhirbaaxaaye

Meel dheer dar laga keenayaa, caanihii dhama’e

Dhimir iyo garaad iyo hadduu, garasho dheer leeyay

Dhurwaa kuma ciyaareen libaax, seexday dhegidiiye

Adiguna dhiggiisood tahoo, dheeshi maad demine

Bal dhegayso xaajada jirtaan, kuu dhambalayaaye

Dhuug iyo qaniin bay dirtaan, dhuuxa maatida’e

Inkastoo u dhalashiyo hilbiyo, dhiigga kula leeyahay

Daba-dhilif wakiil uma metelo, duul dhan keligiiye

Dhadhan ruuxa liitaa u nugul, dhuuni uu cuno’e

Dhishiikiyo haddii ciidan adag, la igu soo dhoobo

Ama waan ku dhaadhicinaynnaa, dhaanto lagu qaado

Dhimashada horteed tii xarrago, la isma dhiibeene

Anigoon dhambaallada tixdiyo, hadalka dheeraynnin

Bal dharaaraha soo socdana, waan dhugtamaynnaaye

Giiryaale waw dhaqan inuu, dhababaceeyaaye

Dhidarow bulshadu way gar-niqi, goolna wuu dhalane

Badka soo dhig waxad hayso idil, xaalku waa dhabaqe

La soco qaybta labaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Hargeysa, Somaliland

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree