borama 250x250

Monday, 19 March 2018 02:32

Sixir bararka Somaliland: Shacab Ayaan Daran

Horaantii sanadkii 2016 markii uu sixir bararka manta taagani uu bilaamay ayaa madaxyo waawayntii dawladu madaxa isgalisay waxaa la iswaydiiyey mushkilada sixir bararka maxaan ka yeelaa. Madaxwaynihii wakhtigaasi ayaa go’aan madaxwayne gudi ku magacaabay arintaasi soo baadha kana soo talo bixisa. Gudigii madaxa ayey isgaliyeen waxayna soo saareen in lacagta shilinka Soomaliland lagu sarifo lix kun iyo shanqobol (6500 shilin) oo markaa marayey sideed kun (8000 shilin) oo shilin halkii doolar. Dadkii oo markaa cabashadooda mudaharaad Hargaysa ka dhacay ku muujiyey ayaa laab qabowsaday.

Maalintii danbe markii waagii baryey ayaa hooyo suuqa wayn ee badhtamaha magalaada Hargaysa ku karisa quraac iyo qado ay ka cunaan dadka deegaanka ganacsiga ku leh ee u badan cadceed jooga ayaa waxaa ka dhamaaday Bariiskii ay karinaysay waxay aaday safirlaha waxay soo sarifatay oo doolar ku soo badalatay lacagtii ay rubuca (haafka badhkii) bariiska ku soo gadan jirtay ileen qiimihiisa ayey taqaanaaye. Rubuca bariiska bakhaarku waxa uu ka siin jirtay shan doolar ($5). Markay baqaarkii aaday ee ay dalbatay bariiskii ayaa waxaa lagu yiri waxaad bixisaa labo iyo afartan kun iyo shanboqol (42500sh) oo shilinka Soomaliland. Waxay tiri waxaan kuu wadaa lacagtaadii oo doolar ah. Waxaa lagu yiri doolarkii waan joojinay ee Soomaliland ku soo badal. Hooyadaasi balaayaa qabsan doonta oo waa war moog. Waxay ku noqotay sariflihii oo waxay ku tiri lacagta doolarka dib iigu badal oo shilin Soomaaliland iiga dhig. La soco oo markii hore ee ay shilinka Soomaliland doolarka ku badalaysay waxaa loogu dhuftay halkii doolar ($1) todoba kun ($7000) oo lagu yiri waa gacantii danbe. Shanta doolar waxaa laga qaaday shan iyo sodon kun ($35000). Imika markay isla sariflihii lacagtii ay mardhawayd ka sarifatay dib kaash ugu celinayso waxaa halkii doolar loogu dhufanayaa lix kun iyo shan boqol (6500sh). Waxaa shantii doolar lagu siiyey (32500sh). Halkaa waxaa laga macaashay labo kun iyo shanboqol (2500sh). Ninkii bakhaarka lahaa wuxuu ka sugayaa 42500shilin. Markay haysato hada 32500sh laga jaro 42500sh waxaa ka dhiman 10,000shilin. 10,000shilin waa inay jeebkeeda kaga dartaa si ay u soo gadato rubucii (shub badhkii) bariiskii hadii kale manta waa u shaqo la’aan iyo xaafadeedii oo Iyana bilaa quud noqon doonta. Hada su’aashu waxay tahay ninka bakhaarlaha ahi xaguu ka saaray 10,000shilin haweenayda. Bakhaarluhu markii uu maqlay iclaankii iyo amarkii ay dawladu bixisay wuxuu go’aansaday in uu halkaasi macaash ka sameeyo wuxu sameeyey maciishadii uu ku iibinayey doolarka ayuu u badalay Soomaliland shilin wuxuuna ku dhuftay isku badalka qiimihii gacanta danbe uu sarifku taagnaa markii dawladu amarka soo saartay qiimaha isku badalka oo markaasi taagnaa sideed kun iyo shanboqol ($5*8500sh=42500sh). Ninkii ganacsadaha ahaa halkaa business opportunity ayuu ka arkay waanaka ka samee lacag faraq ah oo u dhiganta 10,000shilin isaga dhinaca kale iska dhaadhiciyey khasaare ayaad gali hadii waxan aad ku gado qiimihii hore iyada oo qiimaha sarifka dawladu badashay. Sheekadani ayaa waxa ila wadaagay galabnimadii nin aanu saaxiib nahay anaga oo ku sii socona jigjiga yar oo buska rakaabka ah saaran. Waxaan ka soo noqon jigjiga yar abaaro tobankii habeenimo waayo waxaanu deganayn wakhtigaasi suuqa dhexdiisa. Dabadeed sxbkay ayaan ku iri niyow sax ma ihi oo xanuunbaan dareemayaa wuxu igula taliyey inaan Farmasi aan agmarayn dawo ka qaato ileen dawooyinka farmasiyada ayaa sida bariiska u gadee. Farmasigii Ayaan galay dabadeed dawadii markii miiska la ii soo dhigay Ayaan waxaan arkay dawo aan ilkaha u isticmaalo oo magaalada goobo kooban lagu gado oo aan u baahnaa. Ninkii Farmasiga hayey Ayaan ku iri dawadaa Colgate ka ah keen. Waa keenay dabadeed lacagtu waa imisa. Wuxuu yiri dawada Colgate ku waa 23500sh kun oo shilinka Soomaaliland ah. Waxaan ku iri Doolar imisay ku noqonaysaa laakiin ogow markiiba waxaa maskaxdayda ku soo dhacay wixii ku dhacay hooyadii galabta warkeeda la iiga dhacay saaxiibkii sheekada iiga dhacayna garabkayga ayuu taaganyahay. Ninkii Farmasiga hayey ayaa yiri waa  saddex dhibic shan ($3.5). waxaan ku iri sxb dawadan waan isticmaalaa waxaa la iga siiyaa labo dhibic shan ($2.5). wuxuu yiri mahee waa intaa. Waxaan ku iri maxaad Soomaaliland lacagta iigu sheegtay oo aad doolar iigu sheegi wayday ileen waad ogtahay inaan doolar zaadka ku watee. Wuxu yiri Doolarkii waan joojinay. Waxaa is eegay aniga iyo sxbkii ila socday. Dabadeed waxaan ku dhahay sxb ma bixiyaa labo dhibic shan warkaaga hoostaan ka xariiqee. Intuu xanaaqay ayuu yiri waxbaan iibinayaa ee ma qarafaysanayo. Waad mahadsantahay Ayaan ku dhahay dawadiina waan u celiyey. Suaashu waxay tahay khubaradii arintaasi loo saaray iyo amarkii dawlada ka soo baxay ee shacabka loogu danaynayey dhibaadatada intaa leeg ee hooyadaa miskiinta ah iyo kumanaanka masaakiinta ah ee maantoo dhan bacadka fadhiya ee qawlaysatada alaabada hadhka ku iiibinayaa sidaa u galayaan maxay ka ogaayeen?. Yaa se arinta dabagalkeeda loo xilsaaray? Maxay qabataa wasaarada Ganasigu?

Wakhti xaadirkan aan joogno jahwareerkii markaa dhacay iyo ka dulmacaashkii shacabka ee ay ka dulmacaashayeen ganacsatadu ayaa markale khubaradii madaxa isgalisay ee madaxwayne Muuse magaacabay ku habsatay ummada. Dawladu waxay tiri lacagta Soomaliland wax halagu kala gato wixii ka yar $100. Halkaa sariflayaashii iyo ganacsatadii fursad maacashal macaash ayaa uga soo baxday. Hadii aad hal doolar oo shilinka Soomaliland u dhiganta aad lacag ahaan kula baxdo waxaa lagaa qaadayaa 1000sh oo dheeri ah oo la yiri waa gacantii danbe. Hadii aad meherad wax kaga iibsato hal doolar ileen maciishada qiimaheedaad taqaanaaye waxaa la yiri ku dar dhowr boqol oo shilint waa gacantii danbee. Wadankii waxaa qabsaday waa gacantii danbee. Hadaba tani ma xal ayay keentay mise khasaare ayey ku riday dadwaynaha. Tusaale koobkii Bunka ahaa ee awal lagaa siinayey $1 doolar manta markii la yiri Soomaliland shilin wax ha lagu iibsado wuxuu koobkii bunkii ku iibsanaysaa lacag u dhiganta $1.1 doolar. Taasi micnaheedu waxa weeyi hal shay ee boqol doolar qiimihiisu taagnaa manta wuxuu marayaa boqol iyo toban doolar. Waayo ganacsatadii jahwareer ayaa ku dhacay, cabsi ayaa soo waajahday taas oo ah malaha khasaaraad galaysaa markaa xal waxay moodeen si aanay khasaarin ee ay shacabka fuula iyagaa shacab Ayaan daranee. Dhibaatada kale ee dhacday waxaa weeyi lacagtii doolarkii oo suuqa dhex wareegaysa waayo waxaa laga joojiyey agabkii Zaadka ee lagu sidan jiray. Taasi waxay keentay jahwareerka gacanta hore iyo gacanta danbe. Tusaale hadii aan $20 oo isku yaala wato oo aan iibsado shay $15 doolar ah. Tukaankii ma hayo sarif furfuran oo doolar ah ama shan doolar oo isku taala. Taa badalkeedii wuxuu igu siinayaa baaqigii Soomaliland shilling oo uu iiigu dhufanayo $1 doolar toban kun iyo saddex boqol (10300sh) oo shilin. Hadaan tukaan kale tago oo aan haldoolar wax ku iibso iraahdo waxaa la iga qaadayaa toban kun iyo sideed boqol (10800sh) oo shilinka Soomaliland ah. Halkaasi mudo kooban waxaan ku khasaaray lacag dhan shan boqol oo shilin. Ma waxbaa umada u soo kordhay mise waxbaa laga riday?

 Khubariidii hawsha loo igmaday xalkoodii kaasuu noqday. Walina ma maqal gudi dabagal ah oo arimaha u kuurgasha, wasaarada ganacsiguna waxaad moodaa variable asal ma doorshe ah oo magac ahaan u jira. Waayo maciishada jaangoynta qiimaha waxaa iska leh wasaarada ganacsiga taasi oo u dhaxaysa shacabka iyo ganacsatada u badheedhay inay dadka lafahooda fiiqdaan.

Maxaa xal ah

Markaa u fiirsato dhibaatada sixir barar ee haysata Soomaliland dib aan u jaleecdo waxyaalaha (Factors) keena sixir barar wadan ka dhaca waxaa muuqata waxyaalaha sababaya sixir bararka Soomaliland in uu ka duwanyahay ama waxyaalo (particular factors) khaas ahi ay u dheeryihiin kuwa caaalamiga ah ee cilmi baadhiyada lagu sameeyey ee la tajriibeeyey ee wadamo badani intuu ku habsaday ka dabaasheen. Waxyaalahaasi waxaa ka mida 

In ganacsatadu maciishada dadka ay ka iibinayso ay qiimahay doonaan ku gadaan. Tusaale shaygii dalka ku soo galay $1 ayaa la siinayaa $5 doolar. Taasi waa maalin ku macaash.

Dawladu ma taqaano maciishada (primary needs) asaasiga ah waxa lagu soo iibsado ee dibada lagaga keeno, kharashka soo rarida iyo keenida ku baxa (transportation) iyo waxa shacabka lagaga iibiyo. 

Aduunyada ma jirto wadan maciishada asaasiga ah ee ay beerato ama soo dejisato cashuur ka qaada hadii ay dhacdana waa wax aad u yar oo aan maciishada qiimaheeda waxba ka badali Karin. Soomaliland waxba ma soo saarto alaabtu marka ay dekeda ka soo degtana afkaa loo galiyaa canshuur. Ganacsaduhu shacabka ayuunbuu sii fuulaa. Ayaan daran ayuunbaa dhabarku xoodhay.

Anigu talo ahaan waxaan xal u arkaa

In lacagta doolarka gabi ahaanteedba laga mamnuuca suuqa oo lacagta wax lagu kala gadanaaa ay noqoto lacagta soomaliland. Waa in laga madnuucaa dadka caaadiga ah iyo ganacsatadu in ay doolar dadka wax kaga iibiyaan. Taasi waxay meesha ka saaraysaa gacanta danbe

Waa in la sameeyaa sariflayaal la sharciyeeyey oo dawladu maamusho oo iyadu u jaangoyso sarifka isku badalka lacaha. Exchange application yar ayaa bankiga dhexe samaysanayaa kaasi ayuunbaa aroor kasta sariflayaasha fariinta loogu tuurayaa. Waa hadii aanay madaxwaynaha, ku xigeenka, wasiirka iyo DG gu ka xaragoonayn inay Soomaliland shilin qaataan.

Waa in dawladu maciishada qiimaheeda goysaa. Gudi ayaa dawladii hore magacoday oo cunooyinka iyo raashinada ku shaqo leh. waan in  gudigaasi iyo wasaarada ganacsigu shaqadooda qabsadaan ganacsatadana waa in ummada laga qabtaa. 

Dawladu waa inay bilaa cashuur ka dhigtaa dhamaan maciishada asaasiga ah iyo cunooyinka taasina badalkeeda ganacsatadu ummada ka jabiyaan qiimaha maciishada

Aduunyada shildaalku mudo ka badan labo sano ayuu qiimihiisu dhulka yaala Soomaliland laakiin waxba iskama badalin. Waa in arintaasi dawladu baadhaa dadkana shidaalka laga jabiyaa si qiimaha transportation uu u jabo ee maciishada lagu kala waaridayo

Waa inay dawladu isugu yeertaa oo la tashataa khubarada dhaqaalaha ku takhasusay oo shir la isugu yeeraa dibad iyo gudaba dadka aqoonta u leh dhaqaalah ee ku takhasusay culuumta dhaqaalaha iyo cid kasta oo lagu tuhmayo caqli iyo garaad wax soo kordhin kara. Waayo arintani waa masiibo qaran hab iyo hanaan laga midaysanyahay ayuunbaana looga bixi karaa 

Xalku wuu badanyahay laakiin ficil iyo dadaal ayey u baahantahay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa saaxibada ila wadaagay dhacdooyinka xaqiiqada ah ee ka jira suuqyadeena.

Allaa Mahadleh

Fouad Youssouf Osman

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree