Saturday, 29 October 2016 23:31

Maxamoud Raage Kulmiye horuu u rogay iminkana waa looga qaxayaa by Abdi Mustafe

MAHMMaxamoud Raage oo xisbiga Kulmiye ka tirsanaan jiray oo agaasime ahaan jiray ayaa wuxuu tamaniyey in uu wasiir ka noqdo xukuumada Silaanyo. Hase yeeshee markii ay u suurta geli weyday ayuu wasiirkii u ahaa agaasimaha ee arimaha dibada ku eedeeyey in uu lacag lunsaday. Dabeed inta xilkii laga xayuubiyey ayay madaxtooyadu ku xukuntay in aannu sadex bilood Somaliland ka bixin ilaa inta uu soo cadeynayo musuqa uu ku eedeeyey wasiir Maxamed Cabdillahi. Markuu cadyn kari waayay ayaa odayaal uugu tegeen Xisri Xaaji Cali oo wasiirka madaxtooyada ahaa oo ay cafis u weydiiyeen. intaa ka dib wuxuu ku biiray xisbiga Waddani oo uu qalalaase ka dhex abuuri jiray oo aakhirkii la iska leexiyey oo aan waxba la weydiin jirin si uu xisbiga uuga cararo. Wax uu meeha-naababa markii wasiir Xirsi is casilay ayuu haw ka soo yidhi London oo uu Kulmiye hadana dib dalaq u yidhi. Maxamoud oo ah nin iska xanuun sanaya oo dawo ku nool ah ayaa maanta warbaahinta soo fadhiistay isagoo dad ku soo biiray xisbiga Waddani ku eedeynaya inay Somali-weyn ka tirsanyiin. Arinkaas oo ileyn nin miyir qaba maaha ee uu is leeyey xisbiga Waddani propagaandhe uuga dhiig.

Wuxuu ilowsanyay in Sifir oo ay isaga isku beel ka soo wada jeedaan Xamar xilal ka soo qabtay oo hadana Silaanyo u magacaabay safiirka Kenya u fadhiya Somaliland. Wuxuu kale oo is diid siinayaaaa siddii Mohamed Kaahin in Ahmed Ismail Samatar oo labaatan sanadood ka soo horjeeday Somaliland oo golaha wakiilada ee xamarna ka tirsanaa in dhawaan lagu soo dhaweeyey xisbiga Kulmiye. Maxamoud wuxuu hadal hayn u leeyey in uu lacag xisbiyada ka helo marka hawlo siyaasadeed jiraan sidii diiwan gelinta. Iminkana wuxuu London uuga soo cararay waxa u baxday sanqadh lacageed oo uu is leeyey aad wax ka heshid waatan xisbiyadi cirka isula baxeen e. Maxamoud Raage waa nin Xamar ku koray oo dhaqanka waqooyiga ayaa ku yar oo tura-fatoora nimada ciyaala Xamarka ayuu moodayaa inay Hargiesa wax uuga goyneyso. Alahyow yaa yidhaa yaanay dawado Hargiesa kaaga go'in ee London taadii iskaga noqo. Kulmiye khayr kulamuu noqon ee waa nin doonaya in uu xisbiga Kulmiye kala dilaalo. Maxamoud malaa xasuusta ayaa ku yar ee Kulmiye ayuu ahaa kii shiiiirkiisii golaha dhexa dadka dhabarka kaga jebiinayay. Aan xasuusiyo Maxamoud ee Kulmiye ayuu ahaa kii Muse Biixi keligii isu cumaamaday.

Hadaba tanac-tanacdan Maxamoud warbaahinta la soo fadhiistay waa mashruuc uu lacag kaga qaatay Kulmiye oo weysla garanaynaa.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree